4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2012
Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo cayimay Wakhtigii ay Doorashooyinka Golaha Deegaanku dhacayaan
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland ay dhici doonaan maalinimadda Arbacadda ee bisha November 28, 2012.


Sidoo kale, guddidu waxay usoo jeediyeen dadka doonaya inay u tartamaan ee ka mid ah shaqaalaha dawladda ay bishan August dhamaadkeedda xilalka ay hayaan iskaga tagaan oo ay u madax banaanaadaan tartankoodda.

“Waxaynu sugaynay doorashada muddo dheer, waxa markii Goleyaasha Guurtida iyo wakiiladdu ansixiyeen xeerkii doorashada oo madaxweynaha u gudbaya, ayaanu garanay inaanu cayinno xilliga ay qabsoomayso doorashada deegaanku”ayuu yidhi Afhayeenka guddida Doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo ka hadlay qabsoomida doorashooyinka waxaanu intaas ku daray “ waxa noo soo dhamaaday shuruudihii iyo asbaabihii ay u baahnaayeen qabsoomida doorashadda oo kala ahaa dhaqaalaha, in la helo sharcigii, iyo in la helo farsamadii lagu galayay doorashada,”

 “Markii Komishanka doorashada Goleyaasha deegaanku waxa uu si rasmi ah u go’aamiyay xiliga la qabanayo doorashooyinka goleyaasha deegaanka oo uu cayimay inay qabsoonto maalinta Arbacadda ee 28-ka November 2012-ka oo ku beegnaan doonta 14-ka Bisha Muxaram ee 1434 ee taariikhda Hijriyadda Islaamka.”ayuu yidhi Geelle oo maalinta ugu tallogaleen doorashadda ka hadlayey.

Guddidu waxay sheegtay inay cayimeen wakhtigii doorashadu qabsoomi lahayd ka dib markii xeerkii dabrayey qaabka ay ugu tallogaleen doorashooyinka wax laga bedelay, kaas oo ah in Numbaro lagu galo, halkii ay barigii hore astaamo lagu gali jiray doorashooyinka.

Sidoo kale, waxay sheegeen in shaqaalaha dawladda ee isa soo sharaxaya inay shaqadda ka tagaan 30 August,2012 ugu dambayn, ururadda iyo xisbiyadda Qarankuna waxa liiska musharaxiinta laga doonayaa in ay soo gudbiyaan ugu dambayn 14 September,2012 lixda galabnimo.

Guddidu waxay kale oo ay xuseen  kharashkii Qaadhaanbixiyeyaasha caalamiga ah ee taageera Doorashooyinka Somaliland iyo kobcinta Dimuqraadiyadu ay aqbaleen inay bixiyaan kharashaadkii doorashada lagu suurto gelin lahaa oo dhan 75%, halka xukuumadda Somaliland-na ay hore u shubtay dhaqaalihii 25%  ee kaga aadanaa kharashka doorashooyinka.

Doorashooyinka golaha deegaanka ayaa dhawr jeer dib u dhacday, iyadoo muddo dhaaftay sharciyan muddooyinkii ay ahayd inay gole deegaan oo cusub la soo doorto, maadaama toban sanno ka hor la doortay goleyaasha deeganka imika shaqeeya, taasina ay keentay inay dadku aad u dhaliilaan golaha deegaankii hore oo mudooyinkii ay joogeen iyo wixii la filayey inay qabtaan ay  aad u kala fog yihiin, isla markaana lagu eedeeyo fadhiidnimo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland