4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2012
Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG Soomaaliya oo Muqdisho ku dilay Suxufi
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah ee Soomaaliya ayaa shalay gallinkii dambe ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir mid ka mid ah suxufiyiinta madaxa-bannaan ee Muqdisho ku sugan.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Maxamed Nuur Buneyste ayaa wuxuu ka mid ahaa wariyeyaashii nabadgalyada darrada awgeed uga barakacay xarunta Soomaaliya, isagoo dhawaan kusoo laabtay, kaddib markii ay hooyadiis xanuunsatay.

Suxufiyiin ay si wanaagsan isku yaqaanneen wariyaha la dilay ayaa sheegay inuu ahaa wariye howlkar ah, uuna doonayay inuu dib ugu laabto dalka Kenya, mana jirin goob warbaahineed oo uu xilligan la shaqeynayay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay ay ku dhacday xabad ay rideen ciidamada dowaldda KMG ah oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu ku sugnaa oo ahayd goob ciyaar lagu daawanayay, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu agagaarka gurigiisa ku sugnaa.

Wariyahan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo muddo 12-saacadood gudahodo ah lagu dilo Muqdisho, iyadoo aroortii hore ee shalay lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, Yuusuf Cali Cusmaan (Yuusuf Farey) oo ka mid ahaa suxufiyiinta waaweyn ee ka howlgala Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya kama hadlin dilka wariyahan gallinkii dambe ee shalay ay dilka u geysteen askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay si aad ah u cambaareysay dilkii Yuusuf Farey. Waxaana lagu wadaa wariye Buneyste in maanta lagu aaso Muqdisho.

Tan markii uu billowday sannadkan ayaa waxaa Soomaaliya lagu dilay toddoba wariye oo afar ka mid ah lagu dilay magaalada Muqdisho, midna lagu dilay degmada Baladweyne halka labada kalena lagu dilay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Yuusuf Farey iyo Buneyste ayaa waxay noqonayaan labadii wariye ee maalin qura lagu dilo Muqdisho, marka laga reebo Mahad Axmed Cilmi iyo Cali Iimaan Sharma'arke oo saacado gudahood lagu dilay Muqdisho 11-kii bishii Ogoosto ee sannadkii 2007.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya