4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2012
Madaxweynaha Soomaliland oo soo dhaweeyay guushii uu gaadhay Mo Faarax, isagoo Dhallinyarada ku guubaabiyay inay ku daydaan
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa hambalyo u diray guusha weyn ee uu soo hooyey Orodyahanka caanbaxay ee Maxamed Faarax ee u orda dalka Ingiriiska.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha  oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Daahir Cukuse ayaa lagu sheegay bogaadinta uu hawadda u mariyey madaxweynuhu orodyahanka.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu hamlayo iyo boogaadin u dirayaa Ciyaaryahanka weyn ee Mo Faarax oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana haysta jinsiyadda Dawlada Ingiriiska isaga oo ku guulaystay Biladii labaad ee Dahabka ahayd ee Tartanka Ciyaaraha Olympic- ada ee ka socda London”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu ku boogaadiyey Mo Faarax guushaa caalamiga ah iyo magaca uu u soo hooyey  naftiisa, Dalkiisa iyo dadkiisaba waxaanu ilaahay uga rajeeyey inuu adkaysto Guushan, guulo ka badana gaadho.

“Madaxweynuhu waxa uu dhalinyarada reer Somaliland ugu baaqay inay ka fogaadaan Balwadaha iyo waxkasta oo wakhtiga ka luminaya kuna daydaan Mo faarax”ayaa qoraalkaasi xafiiska madaxweynaha ka soo baxay lagu daray.

Sidoo kale, gudoomiyaha xisbiga Taladda haya ee KULMIYE Md: Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo u diray orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax, guusha uu ka gaadhay tartankii orodadda shanta kun iyo tobanka kun ee Mitir ee ka dhacay magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale, dhamaan dhallinyaradda reer Somaliland ayaa si weyn u hadal hayey guusha layaabka leh ee uu ka soo hooyey xirfadiisa Orodyahanimo ee labada jeer ku hantiyey biladdo dahab ah, iyadoo dhamaan meelkasta oo soomaali joogto lagu farxay guushiisa iyo magaca uu usoo jiiday ummadda Soomaaliyeed.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland