4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 13, 2012
Xukuumadda Uganda oo sheegtay in diyaarado dagaal oo ay u dirtay Soomaaliya lagu waayay Hawada dalka Kenya
Isniin, Ogoosto 13, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda ayaa sheegaty in tiro ka mid ah ciidamadeeda iyo diyaaradaha nooca qummaatiga u kaca ah ee helicopter-ka loo yaqaan oo ay u dirtay Soomaaliya si howgalka socda uga qaybqaataan lagu waayay hawada dalka Kenya.


Afhayeen u hadlay milateriga Uganda ayaa sheegay in diyaaradahan oo aanu sheegin tiradooda iyo ciidammo la socday ay ka duuleen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Entebbe, balse hal diyaarad oo keliya ay ku dagtay garoonka degmada Wajeer ee dalka Kenya xilligaasoo ahayd markii la filayay inay diyaaraduhu gaaraan Soomaaliya.

"Baaritaanno lagu raadinayo diyaaradaha iyo ciidamadii saarnaa ayaa socda, ma garan karno waxa dhacay, laakiin waan baaraynaa, saxaafadda ayaana natiijada u soo gudbin doonnaa," ayuu yiri afhayeenka u hadlay milateriga Kenya.

Taliska milateriga Kenya ayaa sheegay inaysan hayn faahfaahinta sababta keentay in diyaaradaha la waayo. Iyagoo sheegay in tirada diyaaradaha maqan ay yihiin saddex, balse ma sheegin tirada ciidamadii saarnaa.

Laakiinse sarkaal u hadlay booliiska Kenya oo lagu magacaabo, Francis Munyambu ayaa sheegay inay heleen xog sheegaysa in mid ka mid diyaaradahaas maqan ee Uganda leedahay lagu arkay burburkeed maanta oo Insiin ah dhul howd ah oo ku yaalla bartamaha dalka Kenya.

Dalka Uganda ayaa waxaa ciidammo badan ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli bishan horraanteeda ay xukuumadda Kampala ay sheegtay inay saraakiil ciidan oo dhinaca cirka ah ay u dirtay Soomaaliya.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dowladda Uganda ay ku sheegto inay ku maqan yihiin diyaarado iyo ciidammo ay ku xoojinaysa howgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Mareykanka ay Uganda ku taageertay dhowr diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah si ay uga qaybqaataan howgalka ka socda Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto xoogagga LRA ee uu hoggaamiyo Joseph Koni.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya