4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Maalinta Dhalinyarada Adduunka oo Muqdisho laga xusay


Axad, August 12, 2012-Waxaa magaalada Muqdishu maanta oo ah August 12  looga dabaal degay maalinta dhalinyaradda adduunka. Munaasabaddaan oo sanadkan ku soo aaday xili ay Muqdisho laga dareemayo ifafaallo nabadeed ayaa waxaa la qabtay xaflad geed talaal ah oo lagu maamusayo maalinta dhalinyaradda Aduunka.

Xafladdaan ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta SYL  ama  Taallada SYL ayaa waxaa ka soo qabygalay kulankaas Dhalinyaro ka kala socotay dhamaan goboladda Dalka Soomaaliya. Waxaa halkaas ka hadlay dhalinyaro aad u qiiraysan oo dareenkoodu ahaa mid aad u sareeya.  Ruqiyo Abdiasis oo ka timid Puntland, muqudishana ay ugu danbeysay iyada oo laba jir ah "Dhalinyarada Soomalaaliyeed waxaa looga fadhiyaa in ay buuxiyaan doorkii dhalinyaradii SYL"ayay tiri Ruqiyo Cabdicasiis oo intaas ku sii dartay in  la joogo xiligii ay dhalinyaradu la wareegi lahayd howlaha khuseeya noloshooda.

Waxaa kaloo halkaas ka hadashay Safia Yaasin oo xustay sida ay qiiro u galisay in maalinta dhalinyadaa aduunka laga hor xuso Taallada Dhalinyaraddda ee SYL. Ahmed Abdi Caynab ayaa isna yiri "waxaa la joogaa xiligii aan hogaanka dalka wax ku yeelan lahayn. Umadda Soomaaliyeed waxaa samata bixiyay Dhalinyaradii SYL annagana waxaa nalooga fadhiyaa in aan raadkoodii raacno”.

Waxaa isna halkaas ka hadalay  Jabril Ibrahim Abdulle oo ah madaxa Xarunta Cilmi baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ee CRD  oo  ahayd hay'addii soo qaban qaabisay xafaladdan. Jabriil waxa uu iftiimiyay in xuska Dalinyarada Soomaaliyeed uu yahay bisha may 15 keeda.


 “Dhalinyarada Soomaliyeed  waxa ay la wadaagayaan dhalinta caalamka ku nool gaar ahaan  dunida Muslimka iyo Carabta iyo Africa maalintan qiimaha leh”ayuu yiri Jabriil Ibraahim oo intaas ku sii daray in dhalinyaradda Soomaaliyeed dhib badan soo garay 25kii sano ee la soo dhaafay, laakiin ay ka  gudbeen haddana loo baahan yahay in la garabgalo si ay uga qaybqaataan dhismaha dalka.

Waxaa xafladda ka hadlay Wasiiru dowlaha wasaaradda dhalinyaradda iyo Isboortiga iyo Shaqalaha, Abdullahi Shikeh Ali  oo loo yaqaan Qaloocoow. Wasiirku waxaa uu sheegay in Soomaaliya ayan ka bixi doonin dhibka haysta haddii ayan dhalinyaradeeda aan  laga qaybgalin dhismaha dalka.  “Dhalinyardu waa 70% shacabka Soomaalyeed marnaba suuragal ma aha in Sooomaaliya ka soo kabsato haddii ayan dhalinyarads door ka qaadan"ayuu yiri Wasiiru-dowlaha.


Ugu dambeyntii, geed loogu magac  daray Kulmiye ayaa waxaa lagu tallaalay taallada SYL , Golaha Murtida iyo Madadaalada, National Theater iyo Xarunta Gobolka  Banadir , iyadoo  ay ka soo qaybgaleen Guddoomiye ku xigeenka  Gobolka Banaadir Sheikh Ali Gure iyo  Xogyhayaha guud Abdi Kaafi, labadu waxaa ay ku dheeraadeen in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan dhalinyarada, waxaana ay hambalyo u direen dhalinyarada Caalamka iyo kuwa Soomaaliya.