4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Guusha uu gaaray Ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo laga soo dhaweeyay guud ahaan Soomaaliya
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Guushii uu gaaray ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee Mo Farah oo u orda dalka Britain ayaa si weyn looga soo dhaweeyay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo dabaaldagyo lagu taageerayo guushiisa ay ka dhaceen gudaha Soomaaliya iyo dalka Kenya.

Dadweyne badan oo Soomaaliyeed ayaa xalay daawanayay ciyaarihii oroddada ahaa ee uu ka qaybgalayay Mo Farah oo ahaa 5,000 ee mitir isagoo galay kaalinta kowaad, wuxuuna horay ugu guuleystay orodka 10,000 ee mitir.

"Alxamdulillaah mar kale ayaan soo hoyay billlad dahab, dadaal badan ayaan ku sheegi karaa inaan guushan ku gaaray, guushuna waa mid Soomaali oo dhan aan kusoo hoyay, waxaanan Soomaalida u sheegayaan in wixii lagu dadaalo lagu guuleysan karo," ayuu yiri Mo Farah guusha kaddib.

Faysal Faarax oo ay wada dhasheen Mo Farah oo ku sugan deegaanka Wajaale ee Somaliland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha uu walaalkiis gaaray, isagoo sheegay inuu daawanayay orodka walaalkiis.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku sugan gudaha iyo dibadda Soomaaliya ayaa aad ugu dabaal-dagay guusha uu gaaray Mo Farah, iyagoo sheegay in guushaas ay aad u gilgishay niyaddooda, waxayna xuseen in guushan ay u arakaan mid ay Soomaali gaartay.

"Aad baan ugu faraxnay guusha uu gaaray Mo Farah, waxayna guul u tahay guud ahaan Soomaalida, aad ayaan ugu faraxsanahay in guushaas uu noo soo hoyo," ayuu yiri C/qaadir Maxamed Cabdi oo ciyaaraha ku daawanayay Nairobi.


Qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaalida ku sugan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in Soomaalida ay tusaale ka dhigtaan guusha uu gaaray Mo Farah, ayna ku dadaalaan sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatada muddad dheer soo jirtay.

Sidoo kale, guusha Mo Farax waxaa taageeray Muumin Geelle oo ah orodyahan dalka Jabuuti uga qaybgalaya ciyaarayaha Olombikada caalamka ee London lagu soo gabgabeynayo isagoo sheegay inay isku goob tababar ku qaadan jireen.

Geelle ayaa kaalinta 13-aad ka galay orodkii xalay uu ku guuleystay Mo Farah, isagoo sheegay inuu aad ugu farxay markii uu ogaaday inuu guuleystay saaxiibkii, balse uu aad uga xumaan lahaa inuu qof kale ku guuleysto orodkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya