4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 12, 2012
Madaxweynaha Puntland oo Xilka ka Qaaday Taliyihii hore ee Nabad-sugidda Puntland mid kalena u Magacaabay
Axad, Ogoosto 12, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa xilkii ka qaaday Sabtidii shalay taliyihii ciidamada nabad-sugidda Puntland, Saleebaan Barre, iyadoo isla maantana loo magacaabay xilkaas mas'uul kale.

Digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan (Faroole) ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta Saleebaan Barre uusan ahayn taliyaha nabad-sugidda Puntland.

Waxaana sababta ka danbeysey in xilkaas laga xayuubiyo lagu micneeyay inay tahay, kaddib markii uu ka gaabiyey gudashada waajibaadkii shaqo ee loo idmaday.

Taliyaha cusub ee nabad-sugidda Puntland ayaa waxaa loo magacaabay, Cabdiweli Maxamed Cawaale oo isagu ka tirsanaan jiray saraakiishii ciidamada Soomaaliya, xiligii ay Mileterigu dalka ka ariminayeen.

Xil ka qaadista taliyihii hore ee ciidamada nabad sugidda Puntland ayaa kusoo beegmeysa xilli ay todobaadyadii u danbeeyey magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe ka kala dhaceen dilal qorsheysan oo lala beegsaday mas'uuliyiin Puntland ka tirsanaa.

Mana ahan markii ugu horeysey ee uu Faroole xilka ka qaado sarkaal ka tirsan lamaaha amaanka, haseyeeshee waxaa jirey dhowr mar oo sidan oo kale loo eryey taliyeyaal ay qaarkood Booliska ugu sareeyeen.

Inkasta oo xiligan amaanka guud ahaan deegaanada Puntland uu yahay mid aad u wanaagsan, waxaa hadana jira falal xiliyada qaar ka dhaca magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacayo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya