4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Goboleedka IGAD oo uga digay in la Musuqmaasuqo Xulista Xildhibaannada
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ayaa waxay ugu digeen siyaasiyiinta Soomaalida doonaya in lasoo xulo xubno iyaga taageersan.

Qoraalka kasoo baxay ururradan ayaa lagu sheegay in tallaabo deg-deg laga qaadi doono siyaasiyiin aan la magacaabin balse la sheegay inay gacmaha kula jiraan xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan heleynaa warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in koox siyaasiyiin ah ay ku hawlan yihiin laaluush bixin, cabsi-saaris iyo in qaab aan caddaalad ahayn lagu soo xulo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo laga sugayo inay soo doortaan guddoomiyaha baarlamaanka ku xigeennadiisa iyo madaxweynaha,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen ururradan.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in siyaasiyiinta qaarkood ay hanjabaad iyo digniino u direen odayaasha dhaqanka iyo guddiga ku howlan xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kaddib markii ay diideen qaarkood inay lacago ka qaataan oo ay qoraan xildhibaanno ay wataan siyaasiyiintaas.

“Waxaan ka walaacsan nahay in xubnaha 135 oday dhaqameed iyo guddiga xulista baarlamaanka loo jeediyay hanjabaad ka dhan ah amnigooda,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ee wadajirka ah.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in shakhsiyaadka arrimahan ku lug leh laga qaadayo tallaabooyin isugu jira: In laga joojiyo qabashada xil dowladeed iyo In laga qaado tallaabooyin gaar ah oo lagula xisaabtamayo dambiyadii ay ka galeen dadka Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta qaarkood ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan inay dib u dhigaan hawlaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub si ay meesha uga saaraan in haweenka ay 30% ku yeeshaan xubnaha baarlamaanka soo socda. Iyadoo sidoo kale lagu eedeeyay siyaasiyiintaas inay ishortaag ku sameeynayaan in dad aqoon leh ay ka mid noqdaan baarlamaanka.

Ururradan ayaa waxay ugu baaqeen guddiga xulista baarlamaanka inay ka reebaan liiska xildhibaannada kuwa aan aqoonta lahayn ama dambiilayaasha ah ee dhibka u geystay shacabka Soomaaliyeed.

“Lama aqbali doono in dib loo rido waqtigii loogu talogalay in baarlamaanka cusub lasoo xulo lana qaban lahaa doorashooyinka, lamana ogolaan karo in baarlamaanka cusub looga faa’ideysto laaluush iyo wax-is-dabamarin,” ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen ururradan lagu soo gabgabeeyay.

Digniintan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ay socdaan kala saarista liiska xubnaha cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhowr jeer oo hore la sheegay inay jiraan faragelinno lagu hayo xulista xildhibaannada cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya