4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn ku ansixiyey wax ka bedelka xeerka doorashooyinka Somaliland
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Golaha Guurtidda oo fadhi aan caadi ahayn iskugu yimid ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey wax ka bedelkii iyo kaabistii lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland.

Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md: Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa golaha u sheegay in xeerkii ay hore u ansixiyeen ee madaxweynuhu saxeexay ay Komishanka doorashooyinku dalbadeen in wax laga bedelo, maadaama oo qaabkan ay doorashadu ku qabsoomi karin, sidaa darteed loo baahan yahay in wax ka bedelkan lagu sameeyey xeerka la ansixiyo.

Haseyeeshee, golaha Guurtidda ayaa qaarkood diideen inay ansixiyaan, iyagoo sheegay in xeer dejinta ay shaqadooddii tahay samaynta xeerarka, isla markana qaabka ay doonayaan guddidu doorashooyinku aanay shacabka anfaceen, sidaa darteed wax ka bedelka lagu sameeyey xeerkan aanay ogolayn.

Si kastaba ha ahaatee, Ansixintan xeerkan ayaa waxa ka dhashay muran iyo buuq muddo socday ka dibna waxa gudoomiyuhu ka codsaday golaha in mar kale aan la isku soo noqon Karin, maadaama  oo bil Ramadan lagu jiro, sidaa darteed cod loo qaado oo duuduub lagu ansixiyo, balse qaar mudanayaasha ka mid ayaa dalbaday in qodob qodob loo codeeyo, taasna gudoomiyihii ma yeelan waxaanu sheegay in goluhu gole guurti yahay  oo muran iyo buuq aan loo baahnayn,isla markaana xeerkan oo goluhu hore u diiday uu socon waayey oo uu mar labaad ku soo noqday, sidaa darteed wax ka bedelka lagu sameeyey ku ansixiyaan si doorashaddu u fududaato.

Ugu damabyntii gudoomiye Saleebaan ayaa cod u qaaday waxaana golaha joogay 58 mudane, waxaana 50 mudane ansixiyeen wax ka bedelkii xeerka lagu sameeyey, halka lix mudane diideen, hal mudanana ka aamusay, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Haseyeeshee, markii golaha laga soo baxay Xildhibaan  Dheeg Maxamed Yaasiin oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in ansixinta xeerkan uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana guddidda doorashooyinku tiraddaba shan jeer wax ka bedel loogu sameeyey sharciga, waxaanu sheegay in wax ka bedelka xeerkaasi lagu sameeyey yahay mid sharci jabin ah oo wixii ka yimaadana ay masuuliyadeedda yeelan doonaan golaha Guurtiddu.

Xeerkan ayaa u gudbi doonna madaxweynaha marka uu madaxweynuhu saxeexana uu sidaas dhaqan gal ku noqon doona, waxaana ansixinta maanta ee golaha guurtidda ilgaar ah ku hayey guddida doorashooyinka iyo xisbiyadda tartamaya, maadama oo markii horaba wax ka bedelka xeerkan uu golaha guurtiddu diiday, iyagoo si weyn uga cabsi qabay in mar kale goluhu ka hor yimaado xeerkan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland