4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Qoysas haysta ilmo agoon ah oo Magaalada Hargeysa oo loogu qaybiyay lacago si ay caruurtooda ugu ciidsiiyaan
Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Labaatan qoys oo ah agoomaha ku dhaqan  xaafadda Daami ee magaaladda Hargeysa ayaa loo qaybiyey laba kun ($2000) oo doollarka Maraykank ah si caruurtaasi looga farxiyo maalinta Iidda, isla markaana ay ula iidi lahaayeen dadweynaha islaamka.

Qoysaskan agoonta ah ayaa waxa gacanta ku haya ururka Hiil oo saldhigiisu yahay wadanka Sweden,kuwaas oo shantii sanno ee u dambeeyey taageeri jiray qoysaskaasi, waxaanay ka bixiyaan lacagta waxbarashadda iyo nolosha kalaba.

Lacagtan loo qaybinayey qoysaskan danyarta ah ee beelaha Gabooye ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotey Ururka Hiil, guddida Xaafada, Boqorro, Salaadiin, Cuqaal, iyo sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada.

Ururkan HIIL ayaa sheegay inay lacagtan ay ugu tallogaleen inay caruurta ka farxiyaan oo aanay u dareemin aabo la’aanta, waxaana Shiine oo ku hadlayey afka ururkan sheegay inuu mustaqbalka ku tallo jiraan inay agoomaha ku dhaqan xaafadan Daami ay u samayn lahayeen iskuul u gaar ah oo ay wax ka bartaan.

Waxaanu bulshada Soomaalidu ugu baaqay inay barnaamijkan khayriga ah ee lagu caawinayo agoontaas ay ka qaybgalaan oo ay taageer, isagoo sheegay in lacagtani ay iyaga dhexdoodu iska ururiyeen ee aanay cid kale ka helin ama ku caawin.

 “ waxaan xasuustaa Awlaadayda Daranyadii iyo Diiftii haysatay 5 sanno ka hor, waayo waxay wada ahaayeen kuwo aan haysan Waxbarasho waxay wada joogeen xaafada, waxaan ku hamiyi jiray mararka qaar inaan ka dhigo Baalashlayaal si ay ugu soo helaan nolol maalmeedka qoyska, laakiin Alle fadligiisa waxaa hamigaygaas meesha ka saaray Ururka hiil oo hadda dhamaantood waxa ay wada dhigtaan Dugsiga Nuradiin iyo Madaariska Aflax iyagoo meel fiican ka maraya, waxbarashada teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahba, waxaanay Inanteyda ugu yar caruurtu hadda korka ka haysaa 10 jis oo Qur,aan ah”ayey tidhi Hooyo Saado Diiriye oo ka mid ah qoysaska ay kafaalo qaaday ururkan HIIL oo ka waramaysay marxaladii ay caruurteedu soo martay ka hor inta aanay kafaalo qaadin ururkan.

Barkhad Jaamac Xirsi oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshadda, ayaa ugu baaqay in  Xukuumada, Shacabka, Iyo waliba ganacsatadu  Xil gaar ah iska saaraan adeega ilaha Bulshada gaar ahaan kuwooda liita, waxaanu la lataliyaha madaxweynuhu balan qaaday iney sidii hore iyo si ka fiicanba ula shaqeyn doonaan Ururka Hiil. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay cidii wax u tartan agoonta ee ka qaybqaatada mashruucan uu janno ku helayo ilaahayna ugu dhowaanayo.

Gaadhsiinta lacagtan qoysaskan agoonta waxa hadalo ka soo jeediyey Boqor Axmed Ugaas Iman Warasame, Suldaan Daakir Xassan Khaliif Iyo Gudoomiye Xassan Sheikh Maxamed, iyagoo dhamaantood u mahad celiyey xilka iska saareen  Ururuka Hiil, waxaanay cuqaashu bulshadda soomaalidda ka codsadeen inay taageeraan mashruucan wax loogu qabanayo agoomaha, sidoo kale waxay usoo jeediyeen in lala dagaalamo Takoorka oo dadka laga wacyigeliyo dhaqankan xun ee dadka walaalaha ah lagu kala saarayo.

Beelaha Gabooye ayaa mudooyinkii u dambeeyey u jeestay horumarinta dhalinyarada, iyagoo dugsiyo badan u sameeyey, halka qaarkoodna jaamacadaha kala duwan ee dalka ka soo baxeen, waxaana dhowaan dhismihiisa la bilaabay dugsi weyn oo loogu magacdaray Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi oo laga hirgalinayo xaafadda Daami oo ay degan yihiin beelaha Gabooye.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland