4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 11, 2012
Dagaal Ciidamada Dowladda KMG iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Sabti, Ogoosto 11, 2012 (HOL) — Ugu yaraan shan ruux oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan deegaankaas ayaa sheegay in dagaalladu ay billowdeen markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga deegaankaas iyo bar ay ciidamada dowladdu ku sugnaayeen.

"Waxaan saakay aragnay maydadka shan ka mid ah dhincyadii dagaalamay, mana maqal wax khasaare ah oo gaaray dadka shacabka ah ee deegaankaas ku nool, gaar ahaan goobaha lagu dagaalamay," ayuu yiri goobjooge ku sugna Ceelasha biyaha oo 17-km u jirta Muqdisho.

Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa xaqiijiyay inuu dagaalku dhacay, balse waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay askar ka tirsan ciidamada DKMG ah ku dishay.

"Dagaalkan wuxuu qayb ka ahaa weerarro aan la beegsanayno saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM waana sii soconayaa," ayuu yiri sarkaal u hadlay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda deegaanka ayaa saakay daggan iyadoo dagaalka uu imaanayo xilli ay dadkii horay ugu soo barakay deegaankaas ay billaabeen inay dib ugu laabtaan, iyadoo dadku ay baqdin ka muujiyeen dagaalkii xalay dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya