4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 10, 2012
Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu dilay Dukaan ay ku lahaayeen Duleedka Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika

Jimco, Ogoosto 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan oo burcad ah ayaa laba wiil oo ganacsato Soomaaliyeed ah ku dilay xaafadda Bishop Lives oo ku taalla duleedka magaalada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Allaha u raxmadee labadan ganacsato oo lagu kala magacaabi jiray, Sheekh Bashiir iyo Cabdi Tifoow ayaa la dilay galabnimadii Khamiistii shalay xilli ay sugayeen afurka iyagoo ku sugnaa dukaankooda oo ay markaas dib u furayeen, kaddib markii muddo bil ka hor ah ay kooxo daroogada ka ganacsada boobeen goobihii ganacsiga ee ku yaallay xaafadda lagu dilay dhallinyaradan iyo xaafad kale ee ku dhow la yiraahdo Falhala-burg.

Dilka dhallinyaradan ayaa loo adeegsaday baastoolado kaddib markii rag hubeysan ay albaabka hore u soo istaageen kuna fureen rasaas, labada wiil ayaa isla goobta ku geeriyooday ciidanka booliiska iyo gaadiidka gargaarka deg-degga ah ayaa ka qaaday maydadka ganacsatada Soomaaliyeed halkii lagu dilay.

Booliiska ayaa sheegay inay gaarayaan kooxihii dilkan naxdinta leh ka dambeeysay hase ahaatee dadweynihii Soomaaliyeed ee goobta dilku ka dhacay tagay ayaa HOL u sheegay inaanay ku qanacsaneyn ballan-qaadka ciidamada booliisku ay sheegeen inay ku baadi-goobayaan raggii burcadda ahaa ee dilka geystay.

Xaafadahan iyo tuulooyinka lagu ganacsado ayaa waxay khataro fara badan kasoo wajahdaa ganacsatada Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa la oran karaa bilihii la soo dhaafay aad ayay u sii korortay qartaraha soo gaara ganacsatada Soomaalida.

Bilihii ugu dambeeyay ayaa kooxo hubeysan waxay dilal iyo dhac ugu geysteen xaafado ku dhow magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ganacsato fara badan oo Soomaali ah, iyadoo aysan dowladdu weli wax jawaab ah ka bixin dhibka loo geystay Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah, kuwaasoo intooda badan ganacsiyo kala duwan ku haysta, waxaana inta badan dilalka u geysta kooxo hubeysan oo la sheego inay adeegsanayaan ganacsato kale oo ajnabi ah.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected] 
Cape Town, Koonfur Afrika