4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Jen. Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Madaxweynenimada Galmudug


Khamiis, August 02, 2012(HOL): Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta ka dhacday doorashada madaxweynenimada maamulka Galmudug, taasi oo ay u tartameen labo musharrax oo xilkaas isu soo taagay.

Musharrixiinta xilka madaxweynenimada Galmudug u tartamay oo kala ah Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa waxaa codeyn qarsoodi ah ku kala saaray Xildhibaannada Maamulka Galmudug.

Wareeggii koowaad ee codbixinta ayuu xilka madaxweynenimada Galmudug ku guuleystay Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo helay codadka ugu badan ee xubnaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug.

Intaas kaddib waxaa  natiijada codbixinta doorashada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Shiikh Axmed Shiikh Yuusuf Ilka-dahab oo sheegay in doorashadu ay u dhacday si ansax ah.

Musharrixii la tartamay Jen. Cabdi Qeybdiid ee Cabdisamad Nuur Guuleed ayaa isna si aqlabiyad ah loogu doortay xilka madaxweyne ku xigeenka Galmudug, isagoo xilkaasna horay u hayay.

Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ammaankeeda si buuxda u adkeynayay ciidamada ammaanka Galmudug, waxaana goob-joog-ka ahaa doorashada qeybaha kala duwan ee bulshada ka soo jeedda deegaannada Galmudug.

Markii ay doorashada soo gebagebowday ayaa magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qeybta hoos timaada maamulka Galmudug waxaa ka dhacay dibadbax lagu taageerayo doorashada madaxweynenimo ee Galmudug.

Dhanka kalena, Madaxweynihii hore ee Galmudug Col. Maxamed Axmed Caalin oo arrimo caafimaad u jooga magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka Kenya oo u warramay TV-ga Universal ayaa wuxuu ka soo horjeestay doorashadii maanta ka dhacday Gaalkacyo ee Jen. Cabdi Qeybdiid madaxweynenimada Galmudug loogu doortay, wuxuuna sheegay in aysan doorashadaas ahayn mid la isku raacsan yahay, wuxuuna sheegay in uu dhawaan ka digay in la qabto doorasho kala geyneysa dadka deegaannada Galmudug, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu talo ku bixiyay in inta aanan la qaban doorasho marka hore la xalliyo khilaafaad ka dhex jira Galmudug.

Col. Caalin oo sheegay in uu muddo 6 sanadood ah ka soo shaqeynayay horumarka Galmudug ayaa wuxuu dhanka kale sheegay in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug, wuxuuna intaas ku daray in uu Nairobi u joogo ka qeybgalka shir ay saxiixayaasha Roadmap-ka ku yeelan doonaan halkaas iyo arrimo nasasho ah.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]