4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2012
Ciidamada Dowladda KMG oo ka hortagay Weerar Ismiidaamin oo Maanta lagu qaaday Xarunta uu ka socday shirka Ansixinta Dastuurka

Arbaco, Ogoosto 01, 2012 (HOL) — Weerarro ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday maanta xarunta uu shirka uga socday ergooyinka ansixinta dastuurka, waxaana mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ay sheegeen inay ku dhinteen qaraxyadaas labadii qof ee xambaarsanaa, sidoo kalena aysan jirin cid kale oo ay dhimasho kasoo gaaray.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda KMG ah, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo la hadlay saxaafadad ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG ah ay ka hortageen laba qof oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray, kuwaasoo doonayay inay isku qarxiyaan shirka, wuxuuna wasiirku sheegay in weerarkaas uu dhaawac kasoo gaaray askari ka tirsan cidamada dowladda Soomaaliya.

"Laban in oo isku soo xiray waxyaabaha qaraxa ayaa damcay inay aag ilaalo xoggan laga hayay kasoo galaan xarunta shirku ka socdo, balse ciidamadii ilaalada ka haysay xarunta oo qabay amar ah inay toogtaan cid walba oo isku dayda inay soo gasho xarunta ayaa waxay ku fureen rasaas, waxaana goobta ku dhintay labadii qof oo keliya," ayuu yiri wasiir u dowlaha wasaaradda dastuurka, Xasan Maxamed Jimcaale oo isaguna saxaafadda la hadlay.

Ergay ka tirsan xubnaha ansixinta dastuurka ayaa u sheegay HOL inay qaraxyo waaaweyn ka dhaceen halka uu shirku ka socdo, iyadoo sidoo kale goobjoogayaal ka dhow halka uu shirku ka socdo ay sheegeen inay arkayeen gaadiidka gargaarka deg-degga ah oo dhaawacyo ka qaadaya xaruntu shirka ka socdo.

Dhowr jeer oo hore ayaa lagu weeraray xarunta uu shirka uga socdo ergooyinka madaaciif, inkastoo aanay wax khasaare ah geysan, waxaase qaraxyada maanta ay noqonayaan kuwii ugu horreeyay ee khasaare geysta oo ku dhaca goobta shirku ka socdo.

Ergooyinka ansixinta dastuurka ayaa weli ku sugan xarunta uu shirku ka socdo, iyagoo sii wata howshooda ay codka ugu qaadayaan dastuurka ee Soomaaliya, waxaana wasaaradda dastuurku ay sheegtay in berri lasoo gabgabeyn doono shirka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya