1/9/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 7 , 2011
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo socod ku maray qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, September 07, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan DKMG ah ayaa maanta socod kusoo maray degmooyinka Muqdisho qaarkood, isagoo halkaas kula hadlay dadweynihii ku sugnaa.

Degmooyinka uu madaxweynuhu booqday ayaa kala ahaa degmooyinka Hodan iyo Waaberi halkaasoo uu kula hadlay shacabka degmooyinkaas deggen, isagoo kula taliyay inay qashinka iska nadiifinayaan, taasoo uu ku sheegay inay xoojinayso dib u dhis lagu sameeyo magaalada Muqdisho.

"Waxaa loo baahan yahay inaad iska nadiifisaan qashinka, sidoo kalena aad si mutadawacnimo ah aad uga qaybqaadataan dib u dhis lagu sameeyo Muqdisho," ayuu Sheekh Shariif u sheegay dadweyne uu kula hadlay degmada Hodan.

Goobaha uu booqday madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa xeryo ku yaalla siliggii hore ee Mareykanka halkaasoo ay ku jiraan dad barakacayaal ah si uu xaalkooda ugu kuurgalo.

Intaa kaddib, madaxweynuhu wuxuu booqday degmada Waaberi, isagoo xariga ka jaray suuq cusub oo degmadaas laga hirgeliyay, wuxuuna ugu baaqay shacabka ku nool degmadaas inay ka shaqeeyaan nadaafadda.


Madaxweynaha ayaa bil ka hor booqasho ku tagay degmada Dharkeynley isagoo soo dhexmaray qaybo ka mid ah degmadaas iyadoo dadweyne badan ay isagu soo baxeen xaafadaha uu lugta ku maray.

Booqashadan ayaa imaanaysa kaddib markii shalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir wadatashi oo ay yeesheen dhinacyada Soomaalida kaasoo socday muddo saddex casho ah.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya