1/22/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 5 , 2011
Odayaal ku baaqay in deeqda loogu talagalay abaaraha la gaarsiiyo dhammaan gobollada koonfureed ee ay abaartu saamaysay

Isniin, September 05, 2011(HOL) Nairobi, Kenya- Guddiga ay isku bahaysteen odayaasha sagaal gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya ayaa ku dhaliilay DKMG ah ee Soomaaliya iyo hay’adaha deeqda bixiya inaysan xil iska saarin sidii deeqaha loo gaarsiin lahaa gobollada ka fog caasimadda Soomaaliya oo ay u barakaceen kumannaan dad ah oo ay saamaysay macaluusha ka jirta koonfurta Soomaaliya.


C/laahi Xaaji Xassan oo kamid ah
hogaamiyayaasha guddiga isu xilqaamay wax gaarsiinta gobollada la illoobay

Shir jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Nairobi ayaa waxaa ka hadlay C/laahi Xaaji Xassan oo kamid ah hogaamiyayaasha guddigan oo ay ku midoobeen odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda qaar kamid ah gobollada koonfureed isagoo sheegay in loo baahanyahay inaan dadka aan laga barakicin deegaanadooda ee wax loogu geeyo goobaha ay joogaan, maadaama ay ku adagtahay inay  u barakacaan magaalada Muqdisho oo la soo dhoobay inta badan gargaarka caalamku ugu deeqayo dadka ay abaartu saamaysay.

“Caqli gal maahan in qof uu kumannaan Kilometre u lugeeyo Xamar, taasi waxay keenaysaa in dadku ay jidka ku sii dhintaan, amaba ay ka barakacaan deegaanadooda si ay Muqdisho u gaaraan”. Ayuu yiri C/laahi.

Dr. Cumar Xaaji Dhafe oo isna ku hadlayay magaca odayaasha gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in deeqda la gaarsiiyo dhammaan deegaannada ay abaartu saamaysay, dawladdana looga fadhiyo inay qaado masuuliyadda ka saaran dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan, si looga hortago barakac ku yimaada dadka ku nool deegaannada aan deeqda la gaarsiinin oo ay Hiiraan kamid tahay.

“Dadka le’anaya waa in meeshooda wax loogu geeyo, waxay wax ku leeyihiin deeqda Muqdisho la keenayo, waayo waa muwaadiniin Soomaaliyeed, oo iyaguna u baahan in gacan la siiyo”. Ayuu yiri Dr. Cumar.

Kulankan oo ahaa mid intiisa badan lagu dhaliilay qaabka loo maareeyay deeqda la keenayo Soomaaliya ee ay caalamku ugu deeqeen shacabka tabaalaysan, ayaa sidoo kale ay odayaashaani ballan qaadeen inay gayn doonaan deeqaha meelaha lagu dhiirran waayay in la gaaro ee ay hay’adaha gargaarku uga carareen sababo la xiriira dhanka ammaanka.


Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi,Kenya