10/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 18, 2011
Xuska sanad guuradii Shanaad ee Maamulka Gal-mudug oo Magaalada Nairobi lagu qabtay (SAWIRRO)

Axad, September 18, 2011(HOL) Nairobi . Kenya - Xaflad ay isugu yimaadeen boqollaal Soomaali oo habaynkii xalay ahaa ka dhacday bartamaha caasimadda Nairobi ayaa lugu xusay sanad guuradii 5aad ee kasoo wareegatay markii la isku raacay in tiirarka loo taago maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Gal-mudug.

Xafladdan oo ay ka hadleen masuuliyiin kala duwan oo ku jira dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa laga sharqamiyay faa’iidada ay leedahay hirgalinta maamullo soo celiya ammaanka gobollada Soomaaliya, si markaas loo raadiyo dawlad dhexe.

Ilyaas Barre Shiil oo ku hadlay afka dawladda Kenya ayaa ku guubaabiyay Soomaalida inay maamullo xasillooni keena ka sameeyaan guud ahaanba dalka.

Qaar kamid wasiiradda dawlada goboleedka Gal-mudug oo ay ka mid yihiin wasiirka Kalluumaysiga, wasiirka iskaashiga iyo xiriir caalamiga ah,wasiirka ciyaaraha iyo masuulyiin kale oo lagu martiqaaday xafladda ayaa halkaas ka jeediyay khudbado ay kaga sheekeeyeen waxyaabihii u qabsoomay maamulkooda 5-tii sano ee ay jireen.


Wasiirrada ayaa tilmaamay inay ku dadaali doonaan sidii loogu dhaqi lahaa dadka ku nool deegaannada Gal-mudug nidaam ku dhisan cadaalad, sinaan iyo wax-wada qaybsi.

C/qaasim Maxamed (Dhagaweyne) oo ku hadlay magaca jaaliyadda Soomaaliyeed ee (UK) ayaa ammaan u soo jeediyay maamulka Galmudug, gaar ahaanna mawqifkii uu madaxweyne Caalin ka qaatay dagaalkii ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.

“Ma illoobi doono mawqifkii taariikhiga ahaa ee uu qaatay madaxweyne Caalin iyo maamulka Galmudug, waxaa ay qayb ka qaateen raadinta nabadda Gaalkacyo”. Ayuu yiri Dhagaweyne.

Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo khadka taleefanka xafladdaas uga qaybqaatay ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda ay leedahay midnimida iyo in wax la wada qabsado.

Madaxweyne Caalin ayaa tilmaamay inay kordheen dugsiyada wax lagu barto iyo goobaha caafimaadka ee deegaannada hoostaga maamulkiisa tan 5-tii sano ee uu jiray.

Waxaana goobtaas iyaguna ku madadaalinayay dadweynaha qaar kamid fanaaniinta Nairobi iyadoo goor dambana ay ku soo biirtay fanaanada Soomaaliyeed Fartuun Axmed (Birimo).









Axmed Cabdisamad. Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya