1/29/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 15, 2011
Wefti Ka Socda Safaarada Ingiriiska ee Addis Ababa oo booqday Hargeysa


Arbaca, September14, 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta guriga madaxtooyada ku qaabilay wefti ka kooban saddex xubnood oo ka socda safaarada Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa.

Weftigan ayaa la sheegay inay Madaxweynaha ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka arrimaha bulshada iyo adkaynta nabadgalyada Somaliland.

Weftigan waxa xubnaha safaarada ku wehelinayey gabadh ka socotay hay’ada ingiriiska u qaabilsan horumarinta  iyo Kaalmooyinka oo magaceeda la yidhaa DFID, taas oo daraasadaysay hawlaha ay dalka ka qabato hay’adooda.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxday maanta guriga madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu warsaxaafadeedkaasi u qornaa sidatan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti 3 xubnood ka kooban oo ka socda safaarada ay dawlada Ingiriisku ku leedahay Addis Ababa.

Weftigan oo uu horkacayo Chris Allan oo ah ku xigeenka madaxa Hay’adda msiisio, isla-markaana ay weheliyaan xog-hayaha labaad ee safaarada Ingiriiska ee dalka Itoobiya Matt woods iyo Haweenay ka socota Hay’adda DFID ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo kaalmooyinka oo lagu magacaabo Paulina.

Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay kulankooda kaga wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta arrimaha bulshada iyo adkaynta nabad-gelyada, la dagaalanka budhcad-badeeda, xoojinta xidhiidhka wadamada jaarka ah, iyada oo kulankanina uu daba socday kuwa ay hore u wada yeesheen labada dhinac, isla-markaana ay dawlada UK u soo dirtay xubnaha weftigan xog-ogaal u noqoshada xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, maadaama uu marba marka ka sii dambaysa xididaysanayo xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee labada Dawladood.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay booqashada weftiga ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo dawlada UK-na ku ammaanay xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay Somaliland.

ALLAAH AYAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Onlne
[email protected]
Hargeysa, Somaliland