Arday dhamaystay fasalada afraad ee dugsiga sare ee Blooming oo xaflad loo sameeyey (SAWIRO)
Jimce, October 07, 2011 (HOL) - Arday dhamaystay dugsiga sare ee Blooming ayaa xaflad lagu sagootiyo loogu sameeyey hoolka weyn ee Panorama ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadan loo sameeyey ardaydan ayaa waxa ka soo qaybgalay marwada kowaad ee Somaliland Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Waris), Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, Agaasimaha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee wasaarada waxbarashada Muuse Maxamed Shidde, Maamulaha dugsiga sare ee Blooming Sahra Yuusuf Cartan, Macalimiinta dugsigaasi, Waalidiin, Siyaasiyiin, Ardayda dugsigaasi iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.
Marwada koowaad ee dalka Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Weris) ayaa ardayda ku bogaadisay dhamaystirka dugsiga sare ee waxbarasho.
“ waxaan hambalyo khaas ah u dirayaa maamulka iyo macalimiinta dugsiga waayo waxay inoo cadeeyeen oo ay maanta halkan inooga akhriyeen dadaal faro badan inay galiyeen iskuulka. Illaahayna haka abaal mariyee inay caruurtii dadaashay ee waalidkuna la dadaalay ayna maanta khasaarin ee ay meel fiican marayaan” ayey tidhi Aamina Weris oo ah marwada Madaxweynaha.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali oo ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland isla markaan ka mid ahaa waalidiinta ardaydoodu dhigato dugsiyada Blooming ayaa ardayda ku bogaadiyey dhamaystirka waxbarashadooda sare, waxaanu tilmaamay inay dalka ka buuxaan khayraad dabiici ah oo aan wali la taaban, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan idiin bushaaraynayaa Illaahay wadankiina wuxuu galiyay khayraad faro badan oo ka mid ah kuwa bani-aadamku ku gaadhi karaan horumarka. Waxaynu leenahay dhul ku haboon dhul beereedka. Waxaynu leenahay xoolo nool. Waxaynu leenahay khayraad dabiici ah oo dihin, oo aan wali daboolka laga qaadin. Waxaynu leenahay xeeb dhererkeedu 850KM ah oo iyaduna wali dihin oo aynaan khayraadkeedii faraha la galin”.
Agaasimaha Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee wasaarada waxbarashada Muuse Maxamed Shidde oo isna xafladan ardayda lagu sagootinayey ka soo qaybgalay ayaa ardayda dhamayastay fasalada sare ee dugsiga sare hambalyeeyey.
“ hadii Caqliga iyo Cilmiga la tartansiin lahaa horeba waa loo tartansiiyee cilmiga ayaa badin lahaa. Caqligu wuxuu ixtiraamaa cilmiga. Maanta ardayda halkaasi sida fiican u fadhida iyo waalidiinta badan ee waliba u badan hooyooyinka, innoomay suurto gasheen haddii aan arwaax badan loo hurin” ayuu yidhi agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahya, Muuse Shide.
Maamulaha Guud ee Dugsiyada Blooming Sahra Yuusuf Cartan oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa ugu horayn mahad balaadhan usoo jeedisay marti sharafta kasoo qayb gashay xafladaasi oo ay ka tilmaamtay marwada koowaad ee dalka iyo agaasimaha waxbarashada.
Sahra Cartan ayaa ka warbixisay marxaladihii uu dugsigu soo maray, waxaanay sheegtay in la aasaasay dugsiga 1999.
“Dufcadan aynu maanta u fadhino sagootintoodu waxay ahaayeen 42 arday.dufcadan 11 ka mid ahi waxay keeneen darajada sare ee A. 29na waxay keeneen B. halka 2 ka mid ahi ay keeneen darajada sadexaad ee C. wax dhacayna ma jirin” ayey tidhi maamulaha dugsigu.
“.Sanadkan ardayda dugsiga dhexe ee iskuulkayaga waxaa kaalinta koowaad galay gabadh iyo laba wiil. Gabadhii waxay ka qayb gashay tartankii deeqda waxbarasho ee dalka Turkiga. Labadii inamoodna waxay yimaadeen dugsiga sare ee Blooming sanadka soo socda oo dhanna waxay ku dhigan doonaan bilaa lacag.” Ayey tidhi Sahra maamulaha dugsigan.
Ardaydan xaflada loo samayey ayaa dhamaystay fasalada sare ee dugsiga Blooming, waxaana xaflada u sameeyey dugsigii ay ka dhamaysteen waxbarashada ee Blooming.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.