3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Qaraxyo waxyeello geystay oo goor dhaweyd ka dhacay magaalada Nairobi

Isniin, October 24, 2011(HOL)-Magaalada Nairiobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa goor dhaweyd ka dhacay labo qarax oo is-xigay, kuwaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxyadan ayaa waxay ka dhaceen meel Basaska laga raaco, waxayna geysteen qaraxyadan inta ilaa iyo haatan la xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 12 ruux oo kale, kuwaasi oo u badan rakaabkii basaskaas.

Goobta ay qaraxyada ka dhaceen ayaa waxay ahayd goob mashquul badan oo basaska laga raaco, waxayna waxyeellada timid kaddib markii iyadoo la daadgureynayo dad ku waxyeelloobay qaraxii koowaad loo celiyay qarax labaad.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxyadan waxyeellada geystay, inkastoo ay baaritaanno wadaan ciidamada booliska Kenya, kuwaasi oo soo buux dhaafiyay goobta uu qaraxa ka dhacay. Qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay uu qarax loo adeegsaday bambo gacmeed uu xalay ka dhacay magaalada Nairobi, kaasi oo isna waxyeello geystay.

Qaraxyadan ayaa waxay Nairobi ka dhacayaan iyadoo dhawaan Xarakada Al-shabaab ay ku hanjabtay in ay weerari doonto Dalka Kenya, iyadoo taasina ay Xarakadu sheegtay in ay uga aargudaneyso Dowladda Kenya soo gelitaanka ay soo gashay dalka Soomaaliya.

Xaafadda Islii ee ay Soomaalida ku badan tahay ee magaalada Nairobi ayaa dadka ku nool waxay muujinayaan cabsi ku saabsan in qaraxaas dartiis wax loo yeelo ama loo xiro, waxayna cabsidaas timid kaddib markii  qaraxa kaddib xaafaddaas la geeyay Ciidamo badan, kuwaasi oo halkaas baartitaanno ka bilaabay.

Wixii ku soo kordha xaaladda Islii ee Magaalada Nairobi kula soco wararkeena dambe haddii Alle idmo.

Daawo Warka Qaraxii hore--By: ALJAZEERA ENGLISH

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
10/24/2011 12:04 PM EST
Isniin, October 24, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa cambaareeyey joogitaanka ciidmada Kenya ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

10/24/2011 11:23 AM EST
Isniin, October 24, 2011Diyaarado nooca dagaal oo aan la aqoon cida rasmiga ah ee iska leh ayaa goordahawayd duqeymo ka geeystay qaar katirsan jaziiradaha ku yaal galbeedka gobolka J/hoose.

10/24/2011 10:07 AM EST
Wakiilo kakala socda qaar kamid ah maamul goboleedyada dhawaanahan looga dhawaaqayay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo isugu yimid magaalada Nairobi ayaa ka dhawaajiyay inay isku afgarteen midaynta maamulka ee deegaamada ay ku dhawaaqeen inay ka taliyaan, si loo helo hal maamul goboleed oo tayo leh.

10/24/2011 9:39 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka DKMG ah ee Soomaaliya, Faysal Xuseen Daahir ayaa tababar soconaya muddo 30 maalmood ah maanta u furay illaa 30 umulisooyin ah oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.

10/24/2011 9:23 AM EST
Taliyaha ciidamada booliska ee magaalada Nairobi Antony Kibuchi oo shir jaraa;id ku qabtay Nairobi ayaa ku tilmaamay qaraxii ka dhacay baar lagu caweeyo oo kuu yaalla Nairobi inuu ahaa mid ka dhashay bam-gacmeed.

10/24/2011 8:41 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday furumaha dagaalka ee degmada Dayniile oo maalmahan ay ku dagaalamayeen ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.

10/24/2011 8:37 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in qaraxii bambaano ee xalay ka dhacay baar lagu caweeyo oo ku yaalla bartamaha Kenya ay mas'uul ka tahay Xarakada Al-shabaab, iyagoo sheegay in weerarkan uu la xiriiro hanjabaaddii Al-shabaab.

10/24/2011 7:24 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Askari ka tirsan ciidanka DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay laba haween ah oo ka mid ahaa dad raashin loogu qaybinayay siliggii hore ee Mareykanka oo ka tisran degmada Wadajir, iyadoo ay ku dhaawacantay rasaastaas haweeney kale.

10/24/2011 7:15 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda KMG, kadib markii sida uu maamulku sheegay dowladda Idhaha ka qabsatay wax u qabashada shacabka ku dhaqan gobollada bartamaha Soomaaliya.

10/24/2011 5:54 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Warsaaxafadeed ay Xarakada Al-shabaab soo saartay maanta oo Isniin ah ayaa waxay digniin ugu dirtay shacabka dalka Burundi oo ay kumannaan ciidammo ah ka joogaan Soomaaliya.

10/24/2011 4:53 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Weerar bam-gacmeed ah oo xalay lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sababtay dhaawacyada 13-qof sida ay sheegeen booliiska Kenya. Waxaan weerarkan uu imaanayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay ku dhaawaqday inay Kenya ka aargudanayso.

10/24/2011 4:48 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Hay'adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in dagaalladii 20-kii bishan ka dhacya degmada Kismaayo ay ku qabseen inay joojiyaan howlo caafimaad oo ay ka wadeen degmadaas.

10/24/2011 3:55 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Cabsi aad u xoogan ayaa lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo, xilli ay diyaarado dagaal shalay duqeeyeen goobo katirsan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

10/24/2011 3:46 AM EST
Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Xaflad balaadhan oo lagaga dhowaaqayey naadiga akhriska iyo Wax-qorista oo loogu magac-daray Alle ha naxariistee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Iidaan Readers Club (IRC) ayaa xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.