4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyey Joogitaanka Ciidamada dalka Kenya koonforta Soomaaliya

 
Isniin, October 24, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa cambaareeyey joogitaanka ciidmada Kenya ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Madaxwyene Sheekh Shariif oo shir jaraa'id ku qabtay xaafadda Tiida ee degmada Dayniile  ee uu maanta soo booqaday ayaa ka hadlay fargalinta dowladda Kenya ee koonfurta dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay dadka Soomaaliyeed ay aad ugu wareereen waxa ka socda meesha.

"Dowladda Kenya iskaashi ayaa naga dhexeeya, waxaana kala hadalnay habka aan innagu u rabno inay noo caawiyaan oo ah mid cad, kaasoo ah in ciidamada DKMG ah ay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Kenyana aan uga baahannahay inay ciidamadeenna gacan siiyaan, balse aysan dhicin wax intaas ka duwan" ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo arrintan kasii hadalaya ayaa wuxuu sheegay in Kenya ay gaarsiiyeen inay aad uga xun yihiin inay dalkooda dhibaato u geysato Al-shabaab, balse loo baahan yahay in labada dal ay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga.

Waa markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya uu uga digo dowladda Kenya faragelinta ciidan, iyadoo madaxda Kenya ay sheegeen in ciidamadooda ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab. Muddo tudobaad ah ayeey ku qaadatay dowladda Soomaaliya in muujiso muqifkeeda ku aadan dagaalaka dowladda Kenya ku soo qaaday koonfurta dalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin dhanka dowladda Kenya oo in mudda ah sheeganeysay in ciidamada dowladda ay dagaalaka kula jiraan.