4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqday degmada Dayniile oo ay dagaallo ka dhaceen, kana hadlay faragelinta Kenya (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday furumaha dagaalka ee degmada Dayniile oo maalmahan ay ku dagaalamayeen ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab.

Sheekh Shariif oo shir jaraa'id ku qabtay xaafadda Tiida ee degmada Dayniile ayaa ka hadlay dagaalladii khasaaraha badan geystay ee ka dhacay degmadaas, isagoo beeniyay in 76-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM lagu dilay dagaalladii dhacay, isagoo dhanka kale ka hadlay ciidamada Kenya ee soo galay gudaha Soomaaliya.

"Marka hore waxaan jeclahay inaan muujiyo farxaddeyda ku aaddan guulaha ay ciidammada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ka gaareen dagaalladii ka dhacay degmada Dayniile, bilo ka hor xaaladdu sidan way ka duwanayd," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Madaxewyuhu wuxuu sheegay inay muddo dheer ugu baaqayeen Al-shabaab nabad iyo wadahadal, balse aysan suurogelin, sidaa daraadeedna ay dowladdu go'aan ku gaartay inay xoog kusoo celiso nabadda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay socon doonaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab inta laga saarayo dalka oo dhan, wuxuuna intaas ku daray in qorshaha dowladda uu yahay in la sugo ammaanka Muqdisho si ay dadkii horay uga barakacay magaalada ay dib ugu soo laabtaan iyadoo ammaan ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka hadlay howlgallada dowladda Kenya ay ka waddo gobollada Koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay inay dadka Soomaaliyeed ay aad ugu wareereen waxa ka socda meesha.

"Markii dowladda KMG ah lasoo dhisay, dowladaha dairska ah oo ay Kenya ka mid tahay waxaan ka dalbanay inay ciidammo noo tababaraan, waana la tababaray ujeedaduna waxay ahayd inay ka qaybqaataan nabad soo celinta iyo xoreynta dalka howshaasuna way billaabatay," ayuu yiri Sheekh Shariif.

"Waxaa jira waxyaabo yar-yar oo aan u argno inaysan haboonayn - waana kala hadalnay dowladda Kenya. Waxaana ka mid ah waxyaabahaas inay ciidammo iska soo galaan dalka, shacabka Soomaaliyeed ma ogola taas - dowladduna ma ogola," ayuu Sheekh Shariif hadalkiisa raaciyay.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in ciidammada AMISOM ay dalka ku joogaan ogolaashaha shacabka Soomaaliyeed iyo kan dowladda KMG ah, sidoo kale ay ka haystaan ogolaasho ururka Midowga Afrika iyo Qarammada Midoobay.

"Dowladda Kenya iskaashi ayaa naga dhexeeya, waxaana kala hadalnay habka aan innagu u rabno inay noo caawiyaan oo ah mid cad, kaasoo ah in ciidamada DKMG ah ay diyaar u yihiin inay shaqada qabsadaan, Kenyana aan uga baahannahay inay ciidamadeenna gacan siiyaan, balse aysan dhicin wax intaas ka duwan," ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isagoo arrintan kasii hadalaya ayaa wuxuu sheegay in Kenya ay gaarsiiyeen inay aad uga xun yihiin inay dalkooda dhibaato u geysato Al-shabaab, balse loo baahan yahay in labada dal ay iska kaashadaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga.

Waa markii ugu horreysay oo mas'uul ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya uu uga digo dowladda Kenya faragelinta ciidan, iyadoo madaxda Kenya ay sheegeen in ciidamadooda ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamayaan Xarakada Al-shabaab.





















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya