4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada dhexe oo eedeeyn u jeediyay dowladda KMG ah ee Soomaaliya

Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha Soomaaliya ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda KMG, kadib markii sida uu maamulku sheegay dowladda Idhaha ka qabsatay wax u qabashada shacabka ku dhaqan gobollada bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha gudiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max’ed Yuusuf Xeefow ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda ay ku eedeynayaan sida ay dhabarka ugu jeedisay shacab-ka ku dhaqan gobolada dhexe, gaar ahaa marka laga hadllayo arrimaha bani’aadanimada, iyo deeqaha laga helo dowladdaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

"Dowladda KMG ah kaalintii ay ka filayeen shacab-ka ku dhaqan gobolada dhexe kama aysan soo dhalaalin, waxaan si gaar ah ugu eedeyneynaa in aysan dowladdu waxba ka soo gaarsiin dadka halka ku nool gargaarkii faraha badnaa ee la helay bilihii ugu danbeeyay iyo deeqihii waxbarasho ee dowladda Turkigu ugu deeqday shacab-ka Soomaaliyeed ayuu yiri,’’ Shiikh Max’ed Yuusuf Xeefow.

Waxaa uu sheegay Xeefow in marar badan oo is xig xigtay dowladda Soomaaliya u direen codsiyo la xiriira in wax lagala qabto xaaladaha dhinaca bani’aadanimada ah ee ka jirta bartamaha Soomaaliya laakiin aysan dowladdu dhag jalaq u siin codsigooda.

"Waxaa leenahay dowladdaha deeqaha bixiya, gaar ahaan dowladda Turkiga waa in ay ka fiirsataa sida loo maamulo deeqaha ay dhiibaan nooc kasta oo ay yihiin ayaan leenahay ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gudiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh Max’ed Yuusuf Xeefow.

Ma’aha maamulkii ugu horeeyay oo dowladda KMG ku eedeeya in ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku dhaqan gobolada dalka ee aan ku jira gacanta xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, iyadoo eedeyn tan la mid ah uu horay ugu jeediyay dowladda madaxweynaha maamulka Galmudug oo sheegay in deeqihii la soo dhiibay lagu maamushay Muqdisho oo kaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya