4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Bam-gacmeed lagu weeraray Caweys ku yaalla Magaalada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 12-qof (SAWIRRO)


Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Weerar bam-gacmeed ah oo xalay lagu weeraray goob lagu caweeyo oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sababtay dhaawacyada 13-qof sida ay sheegeen booliiska Kenya. Waxaan weerarkan uu imaanayaa iyadoo Xarakada Al-shabaab ay ku dhaawaqday inay Kenya ka aargudanayso.

Goobjoogayaal ay warbaahinta Kenya soo xigatay ayaa sheegay in weerarku uu dhacay saqdii dhexe ee xalay, iyadoo ninkii bamka ku tuuray goobta uu si dhaqso leh uga baxday halkaas.

"Waxay ahayd bam-gacmeed. ma jiro cid ku dhimatay," ayuu yiri taliyaha booliiska bartamaha Nairobi Eric Mugambi oo la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in 13-qof oo ka mid ahaa 40 qof oo goobtaas ku sugnaa ay ku dhaawacmeen weerarka.

"Dhaawacyada dadka waxay u badan yihiin kuwo ka gaabay lugaha, gacmaha iyo wajiga, shan ka mid ahna dhaawacyo halis ah ayay qabaan," ayuu Mugambi hadalkiisa ku daray.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay toddobaadkii hore inay weerarro aargudasho ah la beegsanayso dalka Kenya, taasoo ay sheegtay inay kaga jawaabayso ciidamada Kenya ee kasoo talllaabay soohdinta Koonfureed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

"Qarax weyn ayaa dhacay, goobta uu dhanna mugdi ayay noqotay, waxaan arkay dad badan oo dhiig ka da'ayo, anigana waxaan ka dhaawacmay lugaha iyo gacmaha, waxaana goobta naga soo qaadday gaari kuwa gargaarka ah," ayuu yiri Jacob Musembi oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa goobtaas caweyska ah.

"Aad ayaan ugu baqay nafteyda, maxaa yeelay ma ogeyn cidda la beegsan doono qaraxa kaddib," ayuu hadalkiisa ku daray Musembi oo xilligaas yaallay mid ka mid ah sariiraha isbitaalka guud ee Kenyata isagoo si xun uga dhaawacan wajiga.

Dhaqaatiirta isbitaalka Kenyata ayaa sheegay inay daweeyeen 13-qof oo dhaawacyo kala duwan qabay, kuwaasoo qaarkood ay si xun u dhaawacnaayeen, iyadoo intooda badan ay qabeen dhaawacyo madaxa ah.

Inkastoo aysan weerarkan sheegan Xarakada Al-shabaab ayaa hadana wuxuu kusoo beegmay xili ay hanjabaad u dirtay Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaanka ka baxsan oo ay afduubyo ku jiraan ay ka geystay dalkooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya