4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 24, 2011
Naadi cusub oo loogu magac daray abwaan Cabdi Iidaan oo Hargeysa lagaga dhowaaqay

Isniin, Oktoobar 24, 2011 (HOL) — Xaflad balaadhan oo lagaga dhowaaqayey naadiga akhriska iyo Wax-qorista oo loogu magac-daray Alle ha naxariistee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax (Iidaan Readers Club (IRC) ayaa xalay lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Xafladan lagaga dhowaaqayey naadiga wax akhriska iyo wax qorista ayaa waxa ka soo qeyb galay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Fanaanka weyn ee Hoboladii Waabari Maxamed Axmed Kuluc, Fanaanka Nuur Daalacay,Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusf, Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka qaranka Aamina Xaaji Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha guud ee Wasaarada Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar, Guddoomiyayaasha qaar ka mid ah Naadiyada Wax-akhriska iyo wax qorida,Dhalinyaro aad u fara badan,aqoonyahano iyo marti-sharaf kale.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa dhalinyarada ku guubaabiyey inay bartaan Gabayadiisii, isla makaana la qoro taariikhdii abwaanka Cabdii Iidaan ayaa yidhi "Qofku haddii uu hal-abuur yahay oo suugaantiisu suuqa gasho oo ay dadka gaadho, weligaaba ha arkin ee waad garanaysaa shakhsiyadiisa, kaalintiisa, wuxuu yahay wuxuu galo, kuli waxa xanbaarsan suugaantiisa sida uu u fikiro,".Ayuu yidhi. Isagoo hadalka sii wata wuxu yidhi "Abwaan Cabdi Iidaan Faarax waa in lagu daydo,… oo qofka waxa lagu gartaa marka la akhristo waxa uu hal-abuurey, Cabdi Iidaan Faarax waa in Suugaantii uu sameeyey la faafiyaa oo dadka la gaadhsiiyaa, oo jiilasha aan aqoonin suugaantiisa la baraa". Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Fanaanka Caanka ee Maxamed Axmed Kuluc ayaa sheegay inuu abwaan qaali ah oo aan ka gaban hadba waxa uu arko, isla markaan gabayayadiisu aanu hunguri xukumin, isagoo fanaan Kuluc arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Habeenkii uu Cabdi Iidaan dhintay ayuu Maxamed Siyaad Bare nagu soo booqday Tiyaatarkii Muqdisho, oo noo sheegay inuu Cabdi Iidaan dhintay..." Waxa uuu intaas ku daray "Waxa uu ahaa nin waddaniya oo halgamaaya oo dadkiisa iyo waddankiisaba jecel, oo dhiiran oo geesiya, wuxu ahaa nin Cawaandiya oo aan ka baqanin xukuumaddaha, oo xaqa sheega". Ayuu yidhi Maxamed Axmed Kuluc.

Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka qaranka Aamina Xaaji Cabdilaahi Axmed ayaa soo jeediyay in la qoro taariikhda dadka mudan, isla markaana wax laga barto abwaanada waaweyn.

"Abwaan Cabdi Iidaan taariikhdiisi ha noqoto ama abwaanadii kale ee Somaliland waa inaynu dhamaantoodba taariikhdooda la muujiyaa oo la uruuriyaa,waayo haddii kale way inaga lumayaan oo dib loo heli-maayo, Qofkasta aqoontiisu waxay leeg tahay inta uu akhriyo" ayeyt yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi " Waxaan hambalyeynayaa Naadiga akhriska iyo wax qorista ee Cabdi Iidaan Faarax loogu magac-daray ee ku soo biirey naadiga akhristayaasha iyo wax qorista ee dalka ka jira.

Naadiyada akhriska intoo badan xidhiidh ayaanu leenahay, waxaana na kulmiya wax akhriska iyo wax qorista. U-jeedada ugu weyn ee naadiyada wax-akhriska laga lahaa waxa weeyaan in aqoonta kor loo qaado. Xagayaga diyaar ayaanu idinla nahay inaanu idinla shaqeyno". Ayuu yidhi Xasan Cabdi Madar.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland ayaa isna soo dhoweeyey naadigan loogu magac daray abwaan Cabdi Iidaan " Abwaan Cabdi Iidaan Faarax inaga ayey wax ina tareysa inaynu suugaantiisa maanta dhiteysano.

Waa inaan suugaanta oo kaliya lagu daynin, ee waa in la faafiyaa oo dadka la gaadhsiiyaa. Shacabka ayaa suugaanyahankiisa iyo Af-Soomaaligiisa qiimeeya, markaa innaga ayaa is-qiimaynayna"ayuu yidhi Xildhibaan Jirde.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo uu dhalay fanaankii weynaa ee Maxamed Yuusuf oo ka tirsanaa Hoboladii Waabari, ayaa isna madasha ka hadlay " Anigu Waan ka nasiib wanaagsanay Abwaan Maxamed Ibraahim Warmse (Hadraawi) Iyo Faadumo Siciid, oo waan arkay Cabdi-Iidaan Faarax,waxaanan arkay isaga oo ay wada socdaan Maxamed Axmed Kuluc oo ah aabaheygii labaad, iyaga oo wakhtiga gaadhi wada saarna".

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Faadumo Siciid oo ah guddoomiyaha ururka ODHA oo ka hawlgala Somaliland, soona dhawaysay naadigan abwaanka loogu magac daray.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland