Sidee u Ciideen Soomaalida ku nool dalka Shiinaha? (SAWIRRO)
Isniin, November 07, 2011 (HOL) — Munaasabad aad u balaaran oo lagu weynaynayo maalinta ciidul-adxaa ama ciidda carafo ayaa lagu qabray magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasoo ay kasoo qayb-galeen marti-sharaf isugu jirta dhaqaatiir, arday iyo waalidiin.
Xafladda ayaa ahayd mid ay soo agaasimeen ururka ardayda Soomaliyeed ee Shiinaha, waxaana lagu soo bandhigay munaasabadda maalintan qiimaha ay u leedahay ummuda muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida ku nool dalka Shiinaha.
Dr Xuseen oo ahaa aasaasihii in arday Soomaaliyeed ay waxbarsho u soo aado dalka Shiinaha ayaa ugu horreyn madasha xaflada lagu soo dhaweeyay, wuxuuna sharraxay isbadalka weyn ee uu ka arkay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Shiinaha kuwaasoo doonaya inay cilmi ka qataan Shiinaha, isagoo kula dardaarmay inay hadda ku dhax-jiraan waqtiga nolasha ugu fiican aduunka oo uu ku tilmaamay qofka dhallinta yar inuu awoodo inuu wax badan ka faa’ideysto cilmiga uu u yimi China.
Sidoo kale, Dr Mahdi ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii xafladaas ciidda ka hadlay ayaa aad ugu booriyay ardayda inuu sugayo dal burburay iyo dad u baahan in wax loo qabto, isagoo meesha ka saaray inaysan dhicin arday ku fashilma waxbarashad heerka jaamacadeed.
Haddaba xafladaasi ayaa lagu soo bandhigay arday ku guulaysatay tartan Qur’aan akhris ah oo ay qabteen ururka dhaqaatiirta yar-yar oo uu hoggaaminayo Cumar Shiine, wuxuuna Cumar Shine sheegay in tartankaan la qabtay bishii barkaysneed ee Ramadaan, waxaana lagu tarmayayay Qur’aanka oo dhan.
Guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee dalka Shiinaha Qooje ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ururkiisa inta uu madax u ahaa ay u suuro-galeen waxyaabo badan oo uu u qabtay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Shiinaha.
Mr. Qooje ayaa wareejiyay xilkii ururka ardayda Soomaaliyeed oo uu hayay muddo laba sano ah, isagaoo sheegay inuu waqtigiisu dhamaaday, haddana loo baahan yahay in doorasho la qabto si hoggaan cusub uu ururku u yeesho.
Ugu dambeyn, waxaa casho sharaf loo qaabtay dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee wax-barta dalka Shiinaha, gaar ahaan magaalada Wuhan.
C/qaadir Siciid Cali
[email protected]
Wuhan, Shiinaha