12/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2011
Webiga Jubba oo ku fatahay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya


Sabti, November 19, 2011 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in webiga Jubba uu ku fatahmay dhul beereedyo ku yaal degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran.

Fatahaada webiga Jubba oo ka mid ah labada wabi ee mara Soomaaliya ayaa timid kaddib markii ay roobab lixaad leh mudooyinkii dambe ay ka da’een gobolkaas, waxaana ay taasi keentay inuu webigu buux-dhaafiyo isla marakaana jabsado far ku taal degmada Bu’aale, taasoo keentay inay qasaaro kasoo gaarto dad badan oo dhul beereedyo ku lahaa goobaha uu webigu ku fatahay.

Cismaan Maxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Bu’aale ayaa HOL u xaqiijiyay fatahaadda webiga, waxaana uu sheegay in webigu uu ku fatahay deegaanno dhowr ah oo hoostaga degmada Bu’aale.

Sidoo kale, degmada Saakow ee gobolka Jubbad ayaa la sheegay inuu goobo badan ka fatahmay webiga, iyadoona uu baabi’iyay dhul beereedyo ku yaallay halkaasi.


Webiga Jubba ayaa aalaaba marka ay roobab xoogani da’aan wuxuuna si weyn uga fatahmaa gobolka Jubbada dhexe, iyadoona ay qasaaro lixaad leh kasoo gaarto dadka ku dhaqan gobolkaas oo iyagu u badan dad dhul-qodoto ah.

Dad badan oo beeraley ah oo ku dhaqan gobolka Jubbada dhexe ayaa wallaac ka muujiyay fatahaadda webiga, waxaana ay ka codsadeen maamulka Xarakada Al-shabaab ee Jubbooyinka inuu gacan ka siiyo sidii looga hortagi lahaa fatahaadda uu wado webiga Jubba.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo uu webigu Jubba ku fatahmo deeganno iyo degmooyinka katirsan gobolka J/dhexe, haseyeeshee fatahaada tan lamid ah ayuu bishii September ee sanadii aynu soo dhaafnay ka geystay deegaano badan oo katirsan gobolka J/dhexe, taasoo ay waxyeelo ba’an kasoo gaartay dad badan oo beeraley ah oo ku dhaqan gobolkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya