12/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 19, 2011
Hooyo Soomaaliyeed oo ka xanuunsaneysa Ilmo-galeenka oo baaq u diratay Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed



Sabti, November 19, 2011 (HOL) — Hooyadaan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Faadumo Cabdulle Xuseen kuna nool magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay ka xanuunsaneyso ilmo-galeenka ama minka muddo sannado ah hase ahaatee hadda uu noqday mid aad u daran xanuunkeeda, taasoo keentay inay hurdada gabto isla markaana aaney saxaroon karin.

"Waxaan aad uga bararay qaybta hoose ee jirka minka ayaa bannaanka u soo bixi-rabo, saxaro warkeed daa, xitaa kaadida ayaan ku dhibanahay oo waxaan markaan kaadi is-iraahdaba muddo kaddib iga yimaada waxyaabo wasaq ah oo gaduudan ama cagaar, habeenkii iyo maalinkii oo dhanna waan soo jeedaa," ayay tiri hooyo Faadumo.

Hooyadan Soomaaliyeed ee dhibaateysan ayaa sheegtay inay dhaqaatiir dalka ku sugan ay la xiriirtay, balse ay u sheegeen in cudurkeeda wax looga qaban karo oo keliya dalka dibaddiisa.

"Waxaan la xiriiray dhaqaatiir waxayna ii sheegeen in xanuunkeyga aan dalka waxba looga qaban karin, waxay ii sheegeen in dalal ay ka mid yihiin Kenya iyo Jabuuti laga heli karo qalabka loo adeegsan karo daweyntayda," ayay tiri hooyo Faadumo oo intaas raacisay: "Dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen haddii aanan helin daweyn deg-deg ah ay dilaacayaan nabro ku yaalla uur-ku-jirta iyo kaadi-heysta, taasna ay sababi karto in xalaadeyda aad halis u noqoto, walaac ayayna taas i gelisay."

Hooyo Faadumo oo ah qof kasoo jeeda qoys aan dhaqaale haysan, ayaa waxay ka dalbanaysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay ka caawiyaan sidii ay u heli lahayd daweyn.

"Waxaan haystaa caruur agoon ah, aniga ayaana u shaqeysan jiray, mar haddii uu xaalkeygu sidan noqday shaqo waan gabay, waxaana codsan lahaa in la i saacido," ayay hadalkeeda ku dartay hooyadan oo xanuunka haya laga dareemi karo jirkeeda.

Ugu dambeyn, ayay hooyo Faadumo Cabdulle waxay ka codsatay ummadda muslimka ah, gaar ahaan Soomaalida inay ku caawiyaan inay hesho daweyn deg-deg ah. Waxaana ciddii doonaysa inay kaalmeyso ay kala xiriiri kartaa taleefoonka lambarkiisu yahay: 00252-61-5894720.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya