11/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2011
Xarrakada Al-shabaab oo raashin u qaybisay barakacayaasha ku nool inta u dhexeysa Muqdisho iyo Muqdisho


Khamiis, May 19, 2011 (HOL) Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee gobolka Shabelelada hoose ayaa shalay gargaar raashin ah oo isugu jiray bariis iyo saliid u qaybisay 200 qoys oo ku nool deegaanka Lafoole oo u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Qoysaskan ayaa waxay daggan yihin xaafadaha Beder iyo Imaamu-Beder oo hoostagta Lafoole, iyadoo qoysaska ay isugu jireen indhoolayaal iyo curyaamiin ayaa waxay ka koobnaayeen rag iyo dumar da' ah, iyadoo qofkiiba la siiyay loor bur ah saddexle saliid ah, tasoo maamulka gobolka Shabeellada hoose ay sheegeen inay ugu talogaleen inay ku caawiyaan dadka lixaadkoodu dhiman yahay.

Waaliga gobolka Shabeellada hoose ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in dadka ay deeqdan u qaybiyeen ay ka mid yihiin dadka dan-yarta ah ee gobolkaas ku nool.

Sidoo kale, waxaa saxaafadda goobta kula hadlay dadkii kaalmooyinkaas loo qaybiyay qaar ka mid ah ayaa soo dhaweeyay deeqdan iyagoo u mahadceliyay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxauna intaas raaciyeen inay aad ugu faraxsan yihiin deeq ka timid guddiga gurmadka abaaraha ee Xarrakada.


Qaar ka mid ah waayeelkii loo qaybiyay gargaarkan ayaa waxay sheegeen in tani ay qayb ka ahayd gargaarro dhowr jeer ay Xarrakatul Shabaab, iyagoo u duceeyay cid walba oo gacan ka geystay kaalmadan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Xarrakatul Shabaab, gaar ahaan maamulka gobolka Shabeellada hoose ay ay raashin u qaybiso dad barakacayaal ah oo ku nool deegaannada loo barakacay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya