1/18/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2011
Sidee 18 May looga xusay Somaliland? (DAAWO SAWIRRADA)

Arbaco, 18 May 2011 (HOL)- Guud ahaan magaalooyinka ayaa looga dabbaal-degay xuska munaasibadda 18 May, taas oo ku astaysan 20-guurada markii Somaliland ay sheegtay inay ka noqotay midowgii ay la gashay Koonfurta Soomaaliya 1 July 1960. Iyada oo munaasibadaha la qabtay ay guud ahaanba ka duwanaayeen xusaskii hore ee 18 May. Waxaana hal qof uu ku dhintay magaalada Borama, ka dib markii ay rabshado ka dhasheen.
 
Madaxweynaha Somalilnad Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
Jewigii hore ee diyaar-garowga:
 
Ololaha diyaar-garowga Xuskan ayaa bishanba ka socday magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeisa. Ururada Bulshada, Ardayda Jaamacadaha, qaybaha Ciidamada, Ardayda dugsiyada, Shaqaalaha Hayádaha kala duwan ee dawladda, Ururada qurba-joogga, ayaa koox-koox u taagnaa Jidadka waawayn ee magaalada Hargeiysa, iyaga oo koox waliba xidhnayd dhar u gaar ah iyo astaamo ka turjumaya halka ay ka socdaan iyo shaqadooda. Waxa intaa u dheeraa, boodhadh ay ku xardheen kelmado ay ku muujinayeen qaddiyadda xuska 18 May.

Kooxahani waxay hormareen Madaxtooyada Somaliland oo horteeda ay fadhiyeen masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somalilnad Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo sidoo kale Wufuud ka socda dalalka deriska ee ay Jabuuti ka mid tahay.
 
Bilowgii Munaasibadaha:
 
Ciidamada Milatariga, Booliska, Nabad-gelyada Waddooyinka, Miino-saarka, Ilaaladaha Xeebaha iyo Badaha, kuwa ka hor-tagga rabshadaha iyo kuwo kale oo si gaar ah u lebbisan ayaa ka dhex muuqday socodkan, kuwaas oo dhammaantood salaam siiyay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa. Sidoo kale, dhammaan Kooxaha kale ee socodka ku maray Jidka wayn ee hormara Madaxtooyada, ayaa iyana salaan siiyay madaxdii goobta fadhiday. “Mudane Madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen waxa salaantaada u diyaar ah oo halkan mari doona dad tiradoodu dhan tahay 35,528 (Soddon iyo shan kun, shan boqol iyo labaatan iyo siddeed qof) ee ii ogolow inay hortaada soo maraan,”sidaa waxa ku dhawaaqay mid ka mid ah hoggaanada Ciidamada amniga oo wakhtigaa ku dul-taagnaa mid ka mid ah Baabuurta Ciidamada ee dusha furan.
 
Intaa ka dib, waxa koox-koox goobtaa u maray dhinacyada kala duwan ee aynu kor ku soo sheegnay. Waxa xusid mudan in qaar ka mid ah Ciidamada Boolisku ay goobtaa ku soo bandhigeen dhoollatus ay ku sameeyeen Fardo kala duwan oo ay ku tartameen. Waxa iyana indhaha dadweynihii goobtaa ku sugnaa soo jiitay Ururka Hilibleyda ee NAFAQO oo iyana soo fuulay Geel ay soo huwiyeen Calanka Somaliland.

 
La-dhaqankii Ciidamada ee Shacabka:
 
Ciidamada ammaanka ayaa si feejigan u ilaalinayay amniga, waxaanay dhammaantood horjoogeen dadweyne xamaasadaysan oo qof waliba doonayay in uu u gudbo Jidka badhtankiisa, halkaas oo ay marayeen kooxaha dhoolla-tuska samaynayay. Waxaanay ciidamadu si ka habboon siyaabihii hore ula dhaqmayeen guud ahaan shacabka, marka laga reebo Saxaafadda oo ay u muuqdeen kuwo bartilmaameedsanaya. Ciidamada amnigu waxay garaaceen koox weriyayaal ah, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo, kana mid yahay Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA uga warama Somaliland Ismaaciil Farjar. “Waxa nabaro aan badnayni iga soo gaadheen Isha iyo daanka, ka dib markii uu gacanta ii qaaday mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada Boolisku,”ayuu yidhi Ismaaciil Farjar oo u waramay HOL.
 
Dhinaca kale, hal qof ayaa dhintay ka dib, markii sida la sheegay Waraaqo ay ku qoran yihiin Awdal State lagu daadiyay meelo ka mid ah magaalada, taas oo keentay inay Ciidamadu Rasaas furaan, si ay dadka u kala eryaan, halkaasna uu ku dhaawacmay hal qof oo ay Rasaasi ku dhacday.
 
Gebo-gebo:
 
Gunaanadkii waxay dadweynaha Somaliland oo aad u tiro badnaa ay u dareereen dhinaca Beerta Xorriyadda Hargeisa, halkaas oo ay kula hadleen Madax ay ka mid yihiin Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan Wasiiradu, isla markaana ay heeso waddani ah iyo riwaayad ku soo bandhigeen fannaniinta Qaranku. Waxaana goobtaa ku sugnaa Weriyayaal ka socda Saxaafadda Caalamiga ah oo ay ka mid ahaayeen Telefishanka AL-Jazeera, Wakaaladaha wararka ee AP, Rueters iyo kuwo kale.

Munaasibado cayn oo kale ahi waxay sidoo kale ka qabsoomeen magaalooyinka Borama, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanood, halkaas oo ay masuuliyiinta Dawladda ee heer gobol iyo qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Somaliland kula hadleen dadweynaha. Waxaana wali magaalooyinkaas ka socda damaashaad iyo bannaan-baxyo lagu xusayo 18 May.



Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland.