1/28/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 14, 2011
Shir looga hadlay Nabadda, Cadaaladda iyo Horumarka Soomaaliya oo Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO)


Sabti, May 14, 2011(HOL): Shirkan oo ay ka qeybgaleen Soomaali badan oo qurbo-joog ah ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Stockholm, waxaana looga hadlay nabadda, cadaaladda iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaa furitaankii shirka ka hadlay Suldaan Maxamed Siraaji oo ka mid ah shir guddoonka shirka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay gurmad u baahan yihiin, “dadkeena gurmad ayay u baahan yihiin, waxaana dooneynaa in aan helno dad aan xoolo-doon ahayn oo xal-doon ah”ayuu yiri Suldaan Maxamed Siraaj.

Waxaa furitaankii shirka ka hadlay C/risaaq Xaaji Xasan oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha shirka. Wuxuu u mahadceliyay ka soo qeybgalayaasha shirka, kaddibna wuxuu faahfaahin ka bixiyay soo qaabeyntii shirka iyo sidii ay ku timid in shirka lag qabto.

Wuxuu sheegay in shirkan ay markiisii hore isku soo hadal qaadeen isaga iyo dhowr ruux oo kale, kuwaasi oo isku soo hadal qaaday in aaney suurtagal ahayn in laga aamuso xaaladda dalka soomaaliya, isla markaana ay habboon tahay in la isugu yeero intii damiir leh ee ka gubaneysa dhibaatada dalka Soomaaliya ka jirta ee isugu jirta colaadda, cadaalad iyo horumar la’aanta.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar Cumar Mohamed Ali C/risaaq Xaaji Xasan
“Waxa nagu dhaliyay shirkan seddexdeenuba waxay ahayd in la doono seddexdaas arrimo ee kala ah Nabad, Cadaalad iyo Horumar, iyadoo aan lagu xireynin xoolo iyo xil-doon, hayeeshee ay tahay in aan maskaxdeena iyo caqligeena isugu geyno in dalka iyo dadka Soomaaliyeed”ayuu yiri C/risaaq Xaaji.

Cumar  Shukri Maxamed Cali oo isna ka mid ah qabanqaabiyayaasha shirka ayaa sheegay in Xaaladda Soomaaliya ay ku jirto hadda ay tahay mid xanuun badan oo qof kasta oo damiir leh uu damqanayo, “waad aragtaan, barakicin iyo baabi’in naf iyo maalba leh ayaa ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, iyadoo qarannimadii soomaaliyeedna ay meel halis ah taagan tahay”ayuu yiri Cumar Shukri oo intaas ku sii daray “waxaa soo baxay maalmahan dambe oo jabhadihii bedelay madaxweyneyaal oo hadda la sheegayo in ay 43 marayaan, rag odayaal ah oo hadda dibadda nooga yimidna waxay na leeyihiin Safaaradda Itoobiya ee ku taalla UK waxaa laga bixiyaa lacag dhan 40,000 oo Doollar”.

“Sida walaalaha sheegeen shirkan ujeeddo kale kama lahayn oo aan ka ahayn in aan si dhab ah u doonno xalka mushkiladda ka taagan Soomaaliya, “waxa meeshan ka soo saartan ama ka soo jeedisaan wax ka horreeyay ma jiraan, idinka ayaana la idinka doonayaa in aad ka talo bixisaan sidii badbaado loo heli lahaa”ayuu mar kale yiri Cumar Shukri Maxamed Cali oo shirka guul u rajeeyay.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Shiikh Bashiir Imaam Salaad oo ku hadlay magaca ergo ka socotay UK, wuxuuna sheegay in isaga in badan oo shirka fadhida ay qabaan in haddii la doonayo xalka mushkiladda Soomaaliya ay tahay in la helo dad nadiif ah oo aan la tuhmeynin, kuwaasi oo aan lagu tuhmeynin xil iyo xoolo-doon, isla markaana ay dibadda laga hageynin.

“Shirarka la qabto ujeedada ugu weyn waxaa noqotaa in qofka ka soo baxaya ee madaxda ka noqonaya Soomaaliya uu ugu dambeynta noqdo mid ka kabo-gashada oo aan maslaxo Soomaaliyeed wadin”ayuu y iri Bashiir oo intaas ku daray in ay isaga iyo in badan oo Soomaali ah ay la tahay in wada hadal lagu raadin karo xalka mushkiladda Soomaaliya.

“Soomaaliya kala taggeeda waxaa ka shaqeynaya dad khaa’inu wadaniin ah oo la adeegsado, kuwaasi oo aan danta dadka iyo dalka Soomaaliyeedka fekereynin, una shaqeynaya dad shisheeye ah”ayuu yiri Shiikh Bashiir Imaam.

Shiikh Bashiir Imaam Salaad C/llaahi Cabdi Faarax Sajuud Suldaan Maxamed Siraaji

Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar oo shirka lagu casuumay ayaa hadal uu jeediyay wuxuu ugu horreyn ku sheegay in  Magaalada Stockholm oo uu horay u yimid dhowr jeer ay haatan ugu muuqato mid kala qeybsan oo Soomaalidii deganeyd ay yihiin kuwo u baahan dib u heshiisiin. “Haddii aan run la sheegin roob di’i maayo, marka intii aan Soomaali kale la gaarin reer Sweden hala heshiisiiyo, dad fiican wey joogaan Sweden, balse waxaa tamartii ka nuugay duufaan fadhi ku dirir ah oo aan wax horumar ah lahayn”ayuu yiri Prof Samatar”ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Haddii aan guda-galo mowduucan aan isugu nimid ee shirkan anigu waxaan qabaa in ay saldhig u tahay in marka hore la helo mas’uuliyad. Qofka dibadda jooga, kii aan nabad dooneyn ka hadli meyno, kii aan xaq dooneynin ka hadli meyno, kii aan dib-u-dhis dooneyninna ka hadli meyno, balse kuwa doonaya intaas hala garab-galo oo qalin-daarka ha laga dhaafo” ayuu hadalkiisa ku sii daray Prof. Samatar.

Prof. Samatar ayaa kula taliyay kuwa raddiyada dadka samo-doonnada ah, ”haddii aad kari weydo in aad samaha ka qeybqaadato, kuwa kuwaas af-lagaadada u geysanaya waa in aad kala dagaashid oo aad tiraahdo ka daaya, ugu dambeyntiina aad la timaadid mintid aan leex-leexasho lahayn, adiga oo ka dagaallamaya in la aar-goosto”ayuu yiri Professor Samatar.


“Haddii la doonayo in bir-jeex la noqdo oo la helo nabad cadaalad iyo dib-u-dhis waxaa loo baahan yahay in siyaasad aan abtilo ahayn la helo si dadka iyo dalka loo badbaadiyo. Siyaasadda aan naruurada keeneynin xal ma keeneyso, waa aniga sida ay ila tahay, siysaadda nabadda cadaaladda iyo dib u dhis keeni karta waa in ay labo arrimood yeelataa 1- in ay salkeedu noqotaa in ay dadka lagu xukumaya ay yihiin dad siman oo muslim ah 2- in ay lahaataa qawaaniin xad leh oo qof kasta qabanaya iyo hay’ado naas-nuujinaya walaalnimada iyo muslinnimada.

Sidoo kale C/llaahi Cabdi Faarax Sajuud oo dhawaan ka soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in uu soo arkay sawir xanuun badan oo ah in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay qabaan dhibaato xooggan oo dhinacyo kala duwan leh.

“Haddii aad joogto  Magaalada Muqdisho, gaar ahaan KM4 ee aad dooneyso in aad u baxdo xaafadda Suuqa Xoolaha waxay kugu qaadaneysaa in aad halkaas gaarto in aad ka soo wareegto Afgooye, kaddibna aad u baxdo dhinaca Balcad ugu dambeyntiina aad sidaas Suuqa Xoolaha ku timaado. Sidoo kale waxaa jirto haddii qof xanuunsado ee uu u baahdo dhaqtar waa in wareeg dheer uu soo galo, taasina waxay caddeyneysaa sida ay u kala xiran tahay magaalada Muqdisho”ayuu yiri C/llaahi Cabdi oo intaas ku daray intii uu ku sugnaa Muqdisho uu kulamo la soo yeeshay dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho.

“Dadkii aan soo arkay ee isku haya siyaasadda Soomaaliya waxay runtii u baahan yihiin dad Soomaaliyeed oo si dhab ah arrintooda u gala, waana la wada hadalsiin karaa”ayuu hadalkiisa ku sii daray C/llaahi Cabdi Faarax Sajuud.


Ka qeybgalayaasha shirkan ayaa waxay aad uga doodeen dhibaatada nabad la’aaneed ee ka jirta Soomaalya, waxayna dhamaantood ka wada mideysnaayeen sida loogu baahan yahay in aan hadal kaliya lagu ekaane loogu baahan yahay in ficil loo bedelo wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), HIiraan Online
[email protected]