4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Maxkamadda sare ee dalka oo codsatay in dacwadda Maxamed Dheere laga wareejiyo maxkamadda ciidammada

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Qoraal toddobaadkan kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu dalbaday maxkamadda ciidammada qalabka sida inay u wareejiso dacwadda eedeysan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) maxkamadda gobolka Banaadir.

Qoraalkan oo ay ku saxiixnaayeen garsoorrayaasha maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in maxkamadda ciidamada aysan qaadi karin dacwadda loo haysto Max'ed Dheere, maadaama uusan ahayn ciidan, aysan awood u lahayn inay dacwaddiisa qaaddo.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee ku saxiixnaa qoraalka maxkamadda waxay kala ahaayeen: C/naasir Seeraar Axmed oo guddoomiye ah, Maxamuud Axmed Faarax oo xubin ah, Cumar Aadan Maxamed oo xubin ah iyo kormeere sare C/raxmaan Axmed Maxamed.

Xeer-ilaalinta guud ee Qaranka ayaa taageertay go'aanka maxkaamadda sare ee ah in dacwadda Maxamed Dheere loo wareejiyo maxakamadda gobolka Banaadir, iyadoo lagu sheegay qoraal maanta kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barrre inaysan sharci ahayn in dacwadda Maxamed Dheere aysan ay qaaddo maxkamadda ciidammada qalabka sida.

Qoraalka xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixraacayo go'aanka ay gaartay maxkamadda sare ee ahaa in dacwadda Maxmaed Dheere laga wareejiyo maxkamadda ciidamada uu yahay mid sharciga waafaqsan, maadama uusan ahayn qof askari ah, ayna taasi ka horimaanayso qodobka 57-aad ee Axdiga KMG ah.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa weydiistay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, inuu dacwadda duqii hore ee Muqdisho ugu wareejiyo si aan daah-daah lahayn maxkamadda gobolka Banaadir oo awood u leh qaadista dacwaddiisa.

Sidoo kale, xeer-ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa la weydiistay in eedaha iyo caddeymaha loo hayo dacwadda Maxmaed Dheer uu kusoo wareejiyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, si loo socodsiiyo.

Qoraalka xeer ilaaliyaha ayaa looga dalbaday hoggaanka baarista nabadsugidda iyo booliiska ee CID inaysan maxbuus kale oo aan ciidan ahayn aysan u gudbin karin dacwadiisa maxkamadda ciidamada, maadaama taasi ay ka horimaanayso sida lagu yiri qoraalka qodobka 57-aad ee dastuurka dalka farqaddiisa koowaad, iyadoo mas'uulkii falkaas ku caddaadana lala tiigsan doono sharciga.

Ugu dambeyn, qoraalka ayaa lagu sheegay in maxbuus walba oo aan ciidan ahayn ayna xukuntay maxkamadda ciidamada uu xukunkiisu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn, uuna la mid yahay qof afduub lagu haysto oo kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya