4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Dood ku saabsan horumarin haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Dood ay ka qaybgaleen in ka badan 50 ka mid ah haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, taasoo gundhiggeedu ahaa sidii lagu horumarin lahaa haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed waxaana dooddan soo agaasintay ha'yadda CCD.

Xubnaha doodda ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku-xigeenka dalladda haweenka horumarinta saxaafadda Malyuun Sheekh Xeydar, guddoomiyaha hay’adda wadahadalka bulshada (CCD) Ciise Axmed Cumar iyo xildhibaanad Faaduma C/llaahi Maxamuud.

Malyuun Sheekh Xeydar oo hadalka ku horumartay ayaa sheegtay inay marka hore uga mahadcelinsay hay’adda soo agaasintay doodda, iyadoo sheegtay in dalladda ay mas'uuliyiinteeda ku jirto ay nasiib u heshay iyadoo hal todobaad jirta in loo qabto dood lagu horumarinayo saxaafadda haweenka.

Xildhibaanad Faaduma C/llaahi Maxamuud ayaa sheegtay in saxaafadda ay tahay aaladda ugu weyn ee wax toosisa amaba qaloocisa, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in haweenka maanta isugu yimid dooda ay casharada baxaya ka faa'iideystaan si ay u noqdaan kuwo wax toosiya.


"Waa in la buuxiyo boosaska naga maqan, sida ciidamada, hay’adaha dowladda, iyo dhammaan 12-ka boos ee haweenka, annaga ka baarlamaan ahaan dadaal ayaan u galeynaa inaan soo dhicino xaqa ay haweenka u leeyihiin horumarinta dalkooda," ayay tiri xildhibaan Faadumo, iyadoo uga mahadcelisay hay’adda doorka qaban-qaabisay doorkeeda ku aaddan horumarinta bushada.

Guddoomiyaha hay’adda watashiga bulshada Ciise Axmed Cumar ayaa hadal uu ka jeediyay furitaanka doodda wuxuu sheegay inay u garteen inay la shaqeeyaan dalladdan, ayna gacan ka geystaan sidii haweenka saxaafadda doorkooda uga qaadan lahaayeen badbaadinta dalka iyo dadka.

"Haddii ay isla jaan-qaadaan ururrada bulshada rayidka ah, dowladda iyo qaybaha kale ee bulshada waxaa la gaarayaa xal dalkeeda uu dhibaatada uga baxo," ayuu yiri Ciise Axmed, isagoo sheegay inay jecel yihiin inay garab siiyaan qaybaha bulshada haddii ay sidan oo kale isku abaabulaan.

Wuxuu intaas ku daray in dalka uu ku jiro marxalad adag, sidaasi darteedna looga baahan yahay shaqsi kasta inuu ka shaqeeyo sidii loo taageeri lahaa hoarumarka nabadda dalka, isagoo sheegay inaysan wax dan ah ku jirin in dowad walba oo lasoo dhiso la burburiyo.

Gabagabadii doodda ayaa waxaa haweenkii ka qaybgalay ka qeyb-qaadanayay ay kusoo bandhigeen fikrado kala duwan oo ku saabsan qaabka lagu horumarin karo xilligan saxaafadda haweenka Soomaaliyeed.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya