3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Madaxweynaha DKMG ah oo booqday aagagga ay ciidamada DKMG ah iyo AMISOM kaga sugan yihiin Muqdisho


Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta socod qaatay muddo saacado ah ku tagay aagagga ay degmooyinka Hodan, Holwadaag iyo Wardhiigley kaga sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo socdaalkiisa markii uu dhammaaday la hadlay saxaafadda.

Goobaha uu booqday madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah carwadii hore, warshadii koka-kola iyo xaafadda Siigaale oo ku yaalla degmada Hodan, sidoo kale wuxuu booqday xaafado ay ka mid tahay Barmuuda iyo xaafadaha ku yaalla daadagga sayidka ee degmada Howlwadaag.

Sidoo kale, madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen xubno ka tisran aqalka madaxtooyada iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa booqday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

"Fursad weyn ayay ii ahayd inaan maanta tago jiidda hore ee ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, aana arko horumarka ay dagaalada ka gaareen," ayuu yiri Sheekh Shariif oo saxaafada la hadlay markii ay booqshadiisu dhamaatay.

Madaxweynaha ayaa hadalka uu siiyay saxaafadda ku sheegay inuu tacsi u dirayo ehellada iyo dowladaha ay kasoo jeedaan askartii AMISOM ee ku dhintay dagaalladii labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

"Waxaan u tacsiyeynayaa dalalka AMISOM iyo qoysaskii ay ka dhasheen askartii lagu dilay dagaalladii ka dhacay Muqdisho, waxaana uga mahadcelinayaa dalalka iyo qoysaskaas sida ay wiilashooda ugu ogolaadeen inay dhididkooda iyo dhiiggooda u bixiyaan sidii ay nabadda Soomaaliya u soo celin lahaayeen," ayuu yiri Shariif.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay taageeraan ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM, isagoo sheegay in ciidamadan iskaashanaya ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan Xarrakatul Shabaab inta ay la wareegayaan Muqdisho oo dhan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif booqasho ku tago agaagga dagaalka ah ee ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM tan iyo markii ay bishii hore Muqdisho ka billowdeen dagaallada u dhexeeya DKMG ah oo kaashanaysa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/9/2011 7:41 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Qoraal toddobaadkan kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalka ayaa lagu dalbaday maxkamadda ciidammada qalabka sida inay u wareejiso dacwadda eedeysan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) maxkamadda gobolka Banaadir.

3/9/2011 7:14 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dood ay ka qaybgaleen in ka badan 50 ka mid ah haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho, taasoo gundhiggeedu ahaa sidii lagu horumarin lahaa haweenka suxufiyiinta ah ee Soomaaliyeed waxaana dooddan soo agaasintay ha'yadda CCD.

3/9/2011 6:13 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayay DKMG ka billowday xuduudda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinaca Jubbooyinka oo ay ku xooggan tahay Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin, kuwaasoo u muuqda kuwo ay doonayaan inay ku weeraraan gobollada Jubooyinka

3/9/2011 3:01 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Sheekh Cumar Faaruuq Xaaji Cabdi-Suldaan Xaaji Maxamuud wuxuu ku dhashay degmada Qooxley oo Qallaafe iyo Qabridaharre u dhaxeysa, halkaasi oo magaceeda caanka ahi yahay "Carmaale" . Carmaale waxaa dariiqa diimeed ka hayey aabihiis Xaaji Cabdi-Suldaan, dariiqadaasoo ka koobanayd dugsi Quraan iyo barida diinta islaamka oo uu hayey Sheekh waalid u ahaa Sheekh Cumar Faaruuq oo la oran jirey macallin Cusmaan Macallin Dhicis.

3/9/2011 2:48 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xalay kala wareegtay xoogagga Xarrakatul Shababa deegaanno hoostaga degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

3/9/2011 2:47 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegay inuu gargaar deg-deg ah u qaybinayo 50,000 qof oo ku nool Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo ay sheegeen inay haysato xaalad cuuno la'aaneed oo daran.

3/9/2011 2:44 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xog ururin lagu sameeyay dadweynaha Soomaaliyeed oo ay Sabtida toddobaadkan soo bandhigay Hoyga Saxafiyiinta Muqdisho (Muqdisho Media House), iyadaoo sheegtay in tani u taagan tahay tallaabo loo qaaday dimoqoraadiyad dhab ah oo waddanka ka dhacda.

3/9/2011 1:58 AM EST
Arbaco, 09, Maarso, 2011 (HOL) Saakay waabarigii hore xali dadku isku diyaarinayay Salaada subax ayaa mar kaliya waxaa ku soo dhacay dhagaha dadka reer Beledweyne dhawaqa qarax aad u culus oo ka dhacay halka lagu magacaabo Buunda-koowaad oo ku dhaw xaafadda Nuur Xawaad.

3/9/2011 1:53 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Koobkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SYAO ayaa waxaa lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka oo ku beegnayd shalay, waxaana kasoo qaybgalay boqolaal haween ah, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika, xiddigii hore ee Qaranka K/Koleyga Soomaaliya Saciid Qorsheel, guddoomiyaha Ahlusunah ee gobolka Banaadir Axmed Sheekh Aadan Dheere "Shuqul", aqoonyahanno iyo ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairboi.

3/9/2011 1:40 AM EST
Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada shaqaalaha, dhallinyarada iyo isboortiga dowladda KMG ah ee Soomaaliya, C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa dalbaday in DKMG ah xilliga loo kordhiyo si ay u sii waddo howlgallada milateri ee ay ku doonayso inay dalka oo dhan ku qabsato.