4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay qabsatay tuulooyin hoosyimaada degmada Rabdhuurre ee Gobolka Bakool

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xalay kala wareegtay xoogagga Xarrakatul Shababa deegaanno hoostaga degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool oo ku taalla xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda KMG ah C/fitaax Maxamed Ibraahim (Geesey) oo saxaafadda Muqdisho kula hadlay khadka taleefoonka isagoo ku sugan gobollada koonfureed ee Soomaaliya ayaa sheegay inay la wareegeen tuulooyinka La-heley iyo Caato oo ka tisan degmada Rabdhuure.

"Ciidamada dowaldda waxay la wareegeen tuulooyinka La-heley iyo Caato oo ka tirsan degmada Rabdhuurre ee gobolka Bakool, kaddib dagaal uu dhacay dagaal kooban," ayuu yiri C/fitaax Geesey, isagoo xusay in dagaalka kooban ay ku dileen afar dagaalyahan oo ka tirsan Xarrakatul Shabaab.

Mudane Geesey ayaan sheegin wax khasaare ah oo ciidamadooda kasoo gaaray dagaal kooban oo uu sheegay inay la galeen xooggagii deegaannadaas gacanta ku hayay, iyadoo arrintaan aysan weli ka hadlin Xarrakatul Shabaab Al-Mujaahidiin.

Mr. C/fitaax Geesey ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ciidamadooda ay qayb ka tahay howlgallada ay dowladdu kawaddo gobollada koonfureed ee dalka, ayna horay ugu sii socon doonaan degmooyinka kale ee gobollada Bay iyo Bakool.

Waa markii ugu horreysay oo ay dowladda KMG Soomaaliya sheegato inay qabsatay deegaanno ka tirsan gobolka Bakool tan iyo markii ay billlowdeen dagaallada ay kula jirto Xarrakatul Shabaab oo ka talisa gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya