4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Hay'adda WFP oo sheegtay inay gargaar qaybin deg-deg ah ka sameynayso magaalada Muqdisho iyo daafaheeda

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegay inuu gargaar deg-deg ah u qaybinayo 50,000 qof oo ku nool Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaasoo ay sheegeen inay haysato xaalad cuuno la'aaneed oo daran.

"WFP iyo hay'adaha ay xiriirka la leedahay waxay sameyn doonaan howl walba oo ay awoodaan si ay u quudiyaan dadka gaajeysan - gaar ahaan haweenka iyo caruurta - kuwaasoo guryahooda si khasab ah looga barakiciyay, ayna saameynta xooggan ku yeesheen abaaraha iyo colaadaha ka taagan dalka," ayuu yiri Stefano Porretti oo ah madaxa WFP ee Somalia.

Mr. Porretti wuxuu intaas ku daray: "Dadka u baahan gargaarka deg-degga ah waxay ku sugan yihiin in ka badan 20-kaam oo ku yaalla duleedyada loo barakacay ee Muqdisho, waana caawinaynaa."

Hay'adda WFP ayaa sheegtay in dadka dhibaateysan ay xogtooda ka heshay hay'adaha samofalka ee DRC iyo NRC, sidoo kalena ay hayaan tirada dadka gargaarka u baahan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

"Gargaarkan waxaan ugu badan buskut nafaqeysan," ayuu yiri madaxa WFP ee Somalia, isagoo intaas ku daray inay u baahan yihiinlacag gaaraysa 46-milyan oo doollar si ay u quudiyaan 1.2-milyan qof oo u baahan gargaar caalami oo deg-deg ah inta lagu jiro lixda bilood ee soo socota.

Mas'uulka hay'adda u hadlay wuxuu sheegay inay Muqdisho ka furayaan goobo ay dadka ku quudiyaan, ayna qorsheynaynaa in maalin walba ay quudiyaan 85,000 qof oo aan heli karin raashin ay maalintii cunaan.

Ugu dambeyn hay'addu waxay sheegtay in colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya iyo abaaraha ku dhuftay gobollada dalka ay sabab u yihiin kororka dadka u baahan gargaarka bani'aadamnimo ee deg-degga ah.

Hadalka kasoo baxay hay'adda WFP ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyeen inay gargaarkii loogu talogalay dadka ku dhibaateysan Soomaaliya ay ku hayso bakhaarro ugu yaalla Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya