4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay ra’yi ururintii ugu horreysay oo muddo 20 sano ah la sameeyo

Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay xog ururin lagu sameeyay dadweynaha Soomaaliyeed oo ay Sabtida toddobaadkan soo bandhigay Hoyga Saxafiyiinta Muqdisho (Muqdisho Media House), iyadaoo sheegtay in tani u taagan tahay tallaabo loo qaaday dimoqoraadiyad dhab ah oo waddanka ka dhacda.

Warsaxaafadeed ay soo saartay DKMG ah ayaa lagu sheegay in ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed ‘Farmaajo’ uu soo dhaweeyay ra’yi weydiintii ugu horreysay intii ka dambeysay 1991-dii, isagoo sheegay in tani ay tusayso markii ugu horreysay sida aadka u weyn ee dadka reer Muqdisho ay isagu raacsan yihiin dib-u-dhiska dowladda iyo sida ay u rabaan habka doorashooyinka xogta ah iyo dimuqraadiyadda.

"Tani waa baraarujin u baaqaysa shacabka oo dhan. In badan baa nala moodsiin jiray inaynu nahay ummad kala qaybsan. Iminkase way noo muuqataa waxa ay u ooman yihiin shacabkeenna," ayuu yiri Farmaajo.

"Imanka dadka reer Muqdisho way garan karaan halka ay aragtida inteeda badani jirto. Waxaynu arki karnaa in waxa ina mideeya ay aad uga badan yihiin waxa ina kala geyn kara. Waxaan shaqsi walba weydiisanayaa inuu laba-jibbaaro dadaalkiisa ku aadan dib-u-dhiska dalka naga wada dhexeeya, maxaaa yeelay waa waxay cid walba doonayso. Ra’yi weyndiinta waxay heeryada ka rogeysaa cabsidii iyo cadaadintii ina soo daashatay oo imanka waxaynu maqli karnaa codka dadka caadiga ah," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’yi weydiintan oo ay shaacisay Mogadishu Media House oo ah xarun saxaafadeed madax-bannaan ayaa noqonaysa hay’addii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo weydiisa dadka ku dhaqan caasimadda waxay aaminsan yihiin. Ra’yi weydiintan oo la qaaday laba jeer oo kala ah bishii Jannaayo iyo bishii November 2010, ayaa muujisay in tobankii qof dadka reer Muqdisha ah ay sagaal ka mid ah rumeysan yihiin in dowladdu tahay mid matasha Soomaaliya, halka afar-duleel, saddex ay rabi lahaayeen mustaqbalka dowlad ku timaadda doorasho xor ah oo ay dadku codkooda dhiibtaan iyada oo la tartamayo.

Cilmi baaristan ama ra'yi ururintan oo ka dhacday degmooyinka caasimadda oo ay ku jiraan meelaha ay maamusho Xarrakatul Shabaab ee ku teedsan jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.

"Dowladda Soomaaliya waxaa ka go'an fulinta rabitaanka shacabka sida ku cad baaritaankan la sammeeyay ee tibaaxayay doonista shacabka ee ah inay helaan dowlad dimoqoraaddi ah oo la doortay oo ka mid ah ahdaafta ay dowladdu u xusul duubayso maadaama ay soo dhawdahay dhammaadka xilliga kalaguurka", ayuu yiri mudane Farmaajo oo haatan ku sugan dalka Mareykanka.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu yiri: "Haddaba ra’yi ururinta ayaa waxay inoo caddeynaysaa in dagaallada socda aysan ahayn wax ay dadku doonayaan, balse xaqiiqdu ay tahay in 75% shacabka ay si aad ah u diideen colaadaha aan dhammaadka lahayn."

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya