4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Qarax aad u culus oo saakay waabarigii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
Arbaco, 09, Maarso, 2011 (HOL) Saakay waabarigii hore xali dadku isku diyaarinayay Salaada subax ayaa mar kaliya waxaa ku soo dhacay dhagaha dadka reer Beledweyne dhawaqa qarax aad u culus oo ka dhacay halka lagu magacaabo Buunda-koowaad oo ku dhaw xaafadda Nuur Xawaad.

Qaraxa oo ahaa mid argagax iyo cabsi ku abuuray dadka intiisa badan ayaa sababay dhaawaca dad rayid ah ku sugnaa guri aan sidaa uga fogeyn halka qaraxu ka dhacay, waxaana ka qodmay halka uu qaraxu ka dhacay oo aheyd wadada ay isticmaalaan gadiidka ka shaqeeya magaalada bohol aad u weyn taasoo qasab ka dhigtay in gadiidku ka wareegto.

Ilaa hadda dhab ahaan looma oga waxa keenay qaraxa gaar ahaan in uu ka dhashay Miino nooca dhulka lagu aaso ah iyo waliba in qaraxu yahay mid ka dhashay madfac meel kale lagu soo tuuray, walow ay jiraan warar hoose oo dadku isla dhaxmarayo.

Qaraxa xalay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili labadii cisho ee la soo dhaafay dadka ku dhaqan magaalada siweyn u hadal hayeen dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan duleedka Beledweyne oo ay isku hor fadhiyaan xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo waliba kuwa DKMG Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya