4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 9 , 2011
Koob lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka oo lagu qabtay Garoonka kubadda Cagta Xaafadda Islii (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 09, 2011 (HOL) Koobkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SYAO ayaa waxaa lagu maamuusayay maalinta haweenka adduunka oo ku beegnayd shalay, waxaana kasoo qaybgalay boqolaal haween ah, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameerika, xiddigii hore ee Qaranka K/Koleyga Soomaaliya Saciid Qorsheel, guddoomiyaha Ahlusunah ee gobolka Banaadir Axmed Sheekh Aadan Dheere "Shuqul", aqoonyahanno iyo ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairboi.

Koobkan ayaa waxaa ku tartamay 12-kooxood oo gabdho iyo wiilal isugu jirtay, iyadoo ciyaartii kama dambeysta ahayd ay isugu soo hareen lix kooxood oo gabdho iyo wiilal kala ahaa.

Ciyaaraha ayaa loo qeybiyay saddex ciyaar, waxaana ciyaartii ugu dambeysay ay dhexmartay labada kooxood oo gabdho ah kuwaasoo ku ciyaarayay magacyada SYAO iyo Heegan, halka sidoo kale ay ciyaar xiiso leh soo bandhigeen wiilal da’dooda ka hooseysay 12-sano jirka kuwaasoo kala watay magacyada SYAO iyo Horseed.

Ciyaarta gabdhaha ayaa waxaa ku adkaaday kooxda SYAO oo ku badisay 27 - 22 oo ay ku adkaatay kooxda SYAO, halka wiilasha da’yarta ahna ay adkaatay kooxda Horseed.


Inta ciyaarahan ay socdeen ayaa waxaa garoonka kusoo bandhigay ciyaaro hidaha iyo dhaqan Soomaaliyeed ah kooxda Shamsu-diin oo sidoo kale soo bandhigtay heeso ka hadlayay muhimadda maalintan ay u leedahay haweenka aduunka, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn, danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa haweenkii munaasabadda joogay ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay midnimadooda dhisaan, isagoo uga mahadceliyay SYO sida ay uga shaqeynayaan hawlaha horumarinta haweenka, nabada iyo wacyigalinta dhallinyarada.

Guddoomiyaha SYAO Maxamed Ibrahim Cali (Cajiib) oo kaddib isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in SYAO oo ka shaqeysa nabadda iyo wacyigalinta dhallinyarada ay koobkan kusoo beegeen weyneynta haweenka Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay kuwo laf dhabar u ah nabada Soomaaliya.

"Horumarinta haweenka iyo ka shaqeynta wacyigalinta dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada waa astaanta koowaad ee ay ku shaqeyso SYAO, waxaana ku faraxsannahay inaan maanta haweenka Soomaaliyeed ee Nairobi u qabanayno dabaal-degga maalintooda," ayuu yiri Maxamed Cajiib.

Sidoo kale guddoomiyaha SYAO wuxuu ballanqaaday inay qabanayaan koobab kale oo noocan oo kale ah, isagoo sheegay in ololaha isboortiga ee ay kawadaan xeryaha qaxootiga iyo garoommo ku yaala Islii oo kubadaha cagta iyo koleyga lagu ciyaarayo.


Gudoomiyaha kooxda Shamsu-diin Shamso Macallin oo ku hadashay magaca haweenkii kasoo qaybgalay munaasabadda ayaa ku baraarujisay haweenka inay adkeystaan midnimadooda, ayna qayb ka qaataan daganaasho soo celinta dalka, waxaana ay fariin nabadeed u dirtay munaasabadda darteed haweenka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Ciyaaryahankii Qaranka Soomaaliyeed ee kubadda Kolayga Saciid Qorsheel ayaa dhinaciisa SYAO uga mahadceliyay horumarinta qaybaha Isboortiga, wuxuuna sheegay in wiilasha da’da yar ay mateli doonaan mustaqbalka dhow Qaranka Soomaaliya, isagoo ku booriyay ururka SYAO inay sii wadaan dadaallada ay tababarka ku siinayaan da’yarta Soomaaliyeed ee horumarinta xirfada isboortiga sida kubadda koleyga iyo kubadda cagta.

Ugu dambeyn, waxaa la bixiyay koobab qaali ah iyo hadiyado kale oo isugu jiray qalab isboorti kuwaasoo ay SYAO ugu talogashay in lagu dhiirri-geliyo dhallinyarada da’yarta ah ee loo tababarayay muddooyinkii ugu dambeeyay xirfada kubadda koleyga iyo sidoo kale gabdhihii ku guuleystay ciyaarti kama dameysta ahayd ee koobka lagu maamuusayay maalinta haweenka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya