10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 8 , 2011
Sheekh Cumar Faaruuuq oo ku geeriyooday dalka Sucuudiga

Sheekh Cumar Xaaji Cabdisuldaan (Sheekh Cumar Faaruuq)
Talaado, 08 Maarso, 2011 (HOL) – Allaha u naxariistee waxaa ku geeriyooday maanta duhurkii dalka Sucuudi Carabiya Sheehk Cumar Xaaji Cabdisuldaan (Sheekh Cumar Faaruuq) oo aan la sheegin wax xanuun ah oo uu qabay, sida uu Laanta Afka Soomaalida ee VOA-da u sheegay wiilkiisa Maxamed Xadiith Shiikh Cumar Faaruuq.

 

Sheekh Cumar Faaruuq oo da'diisu ahayd 60-sano jir ayaa ahaa daaci weyn oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya, wuxuuna xilliyadii ugu dambeeyay ku noolaa magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga oo uu maanta ku geeriyooday.
 

“Marxuumka ayaa la arkay isagoo mayd ah oo sariirtiisa dul saaran," sidaa waxaa saxaafadda u sheegay wiiil uu dhalay oo lagu magacaabo Maxamed Xadiis oo Muqdisho ku sugan, isagoo sheegay in aabbihii uu cudurka macaanka qabay, uuna dalka Sucuudiga daganaa muddo 30-sano ka badan.

 

Sheekh Cumar Faaruuq, wuxuu Soomaalida ku nool Soomaaliya gudaheeda iyo dibaddeeda ku baraarujin jiray diinta Islaamka, wuxuuna duubay tafsiirka Qur’aanka Kariimka iyo siirooyinkii Nebiga iyo Saxaabadii Muslimiinta, iyadoo taasi ay ka mid noqon doonto waxyaabaha lagu xusuusan doono.

 

Rabbi ha u naxariistee Sheekh Cumar Faaruuq wuxuu ifka uga tagay saddex xaas 15-caruur ah oo isugu jiray sagaal wiil iyo lix gabdhood, wuxuuna ku dhashay magaalada Carmoole ee deegaanka ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa geerida marxuumka ku timid ka tacsiyeeyay, wuxuuna tacsidaas u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelladiisa, isagoo sheegay in Ummadda Sooamaliyeed uu ka geeriyooday Caalim jaliil ah oo intii uu noolaa si weyn loogu yaqaanay faafinta Diinta Islaamka.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya