Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa munaasabaddan waxaa ku weheliyey Raisul Wasaaraha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Raisul Wasaare ku- xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga, Cabdi Xakiin Xaaji Fiqi Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdi Maxamed Abtidoon iyo Jen. Axmed Geeddi Jimcaale (Cirfiid) ahna Talliyihii hore ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeey Taliyayaasha cusub, una sheegey in dalka uu marxalad adag ku sugan yahay, loona baahanyahay in laga saaro marxaladan.Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay waxa ugu muhiimsan waqtigan Dalka Soomaaliya ay tahay xoojinta ciidamada Qalabka sida iyo horumarinta nabadgelyada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxayna taliyayaasha maanta la dhaariyay noqonayaan kuwii ugu horreeyay oo uu buuxinaya xilalkii banaanaa ee Taliyayaasha Amniga Dowladda Soomaaliya.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya