Soomaalida Qaahira iyo Habeenkii Nuuradiin Faarax
Axad, Maarso 27, 2011 (HOL) - Waxaa habeenimadii Jimcaha soo geleysey lagu qabtay magaalada Qaahira munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Nuurddiin Faarax. Kulankan oo aan si aan loo kala harin ay u soo agaasimeen Soomaalida wadanka Masar ayaa waxaa Abaal Marin qaddarin ah lagu guddoon siiyey qoraaga Soomaaliyeed.
Waxa xusid mudan in uu qoraagu asal marti uu u ahaa Jaamacadda "American Univeristy" ee Qaahira, isagoo muxaadarooyin ka soo jeediayay 2 jeer isla jaamacaddaas. Nuruddin oo khudbadihiisa uga hadlay hanaanka wax qoridda iyo hor'umarka Afrika ayaa khudbaddiisa hore ugu magac daray "Awoodda wax Qoridda” ka jeediyay hoolka Suzanne Mubarak Conference Hall habeenkii Isniinta ahaa ee la soo dhaafay ee 21-a Maarso, halka muxaadardiisa labaad oo cinwaankeedu ahaa “Xuduudaha Qaaradda Afrika oo Caqabad ku ah Hor'umarka dalalka Qaaradda,” uu ka jeediyay hoolka Oriental Hall ee jaamacadda AUC oo ku yaalla fagaaraha caanka ah ee Tahrir Square habeenkii arbacada 23 Maarso. Dhanka kale Somaalida dalka Masar aya si weyn uga muuqday dadweynaha ka soo qeyb galay.
Munaasabadda waxaa marti sharaf ku ahaa Safiirka Soomaaliya ee wadanka Masar C/llaahi Xasan iyo Dajirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dhowr wadan oo aduunka ah isla markaana ah qoraa Soomaaliyeed oo isna luqada ka la duwan wax ku qoro Mudane Dr. Shariif Saalax.
Kulanka wuxuu billwoday 04:30 galabnimo, waxaana goobta oo aad u baaxadweyneyd camiray dadyow Soomaaliyeed oo isugu jira Rag iyo Dumar arday u badan, sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa aqoonyahan, saxufiyiin iyo marti ka socota jaamacadda Al-Azhar.
Soo dhoweyn gaaban ka dib waxaa mekarafoonka lagu soo dhoweeeyay qoraaga Nuurudiin. Nuuruddiin ayaa Salaan kadib u mahad noqay dadka ka soo qeyb galay kulanka iyo dadka soo agaasimay, isagoo ka hadlaya sida uu ugu faraxsanyahayna wuxuu yiri "Aniga Nuuraddiin ahaan meeel kasto oo aan tago waxaan aad u jecelahay la kulanka dadkaygii, in aan arko sida ay u noolyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadama aan booqdo". Nuuruddiin ayaa sidii la filayay si ka duwan kulanka u rogay mid aragti is dhaafsi ah.
Mar uu ka hadlayay Safarkiisii Soomaaliya uu ku tagay Nuuruddiin Faarax wuxuu muujiyay yididiilo ku aaddan nooleynta Af Soomaaliga. Sidoo kale wuxuu carabku aad u tilmaamay dhibaatada ka taagan wadan weynaha Soomaaaliya maanta iyo in ay muhiim tahay isku duubni in ay muujiyaan dadka Soomaaliyeed.
Intaas kadib, Nuuruddin wuxu albaabada u furay su'aalihii dadweynaha, su'aalihii la weydiiyayna si niyad sami leh ayuu uga jawaabay. Sidoo kale waxaa goobta laga mariyay maansooyin iyo Buraanbur lagu maamuusayya qoraaga oo ay kala mariyeen Abwaan Axmed Deeq oo sagu ka mid ah ardayda Hal-abuurka leh ee kulanka ka soo qeyb galay iyo Fardoos iyaduna ah gabar hal abuur ah.
Gabagabadii kulanka waxaa qoraaga la guddoonsiiyay Abaalmarin oo ay u garwosadeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Wadanka Masar. Billada aya waxaa guddoonsiiyay Safiirka Soomaaliya Mudane C/llaahi Xasan oo matalaya Shacabka Soomaaliyeed ee Masar.
Qoraaga waxaa looga mahadceliyay gacanta uu ka geystay kor u qaadista magaca wanaagsan ee Soomaaliya iyo muujinta wajiga suuban ee dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Munaasabaddan oo ahayd mid qaddarin ah ayaa waxay noqonayaa tiii ugu horeeyay abid ee qoraaga Soomaaliyeed ay ku maamuusan dadkiisa. iyadoo Hall-ka lagu qabtay xaflada oo ahaa hall aad u weyn ay soo buuxiyeen dad badan oo rabay in ay arkaan qoraaga.
FG: Sawirada waxaa qaaday Abdul Arts.
Mohamed Haji.
E-mail: [email protected]
Cairo, Egypt