Xarrakatul Shabaab oo Qurba-joogta iyo Ganacsatada ugu baaqday inay maalgashadaan Gobolka Shabeellada Hoose (SAWIRRO)
Isniin, Maarso 21, 2011 (HOL) – Maamulka Islaamiga ee gobolka Shabellada Hoose ayaa ugu baaqay qurba-joogta iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay maal-gashi ku samaystaan dhulka baaxada leh ee ku yaalla Gobolkaas oo ay hadda ka arrimiso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waaliga Xarrakatul Shabaab ee Shabeellada Hoose Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo saxaafadda kula hadlayay gudaha beer aad u weyn oo ku taalla degmada Jannaale ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee qurba-joogta ah ay u soo jeestaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta waddankooda.
"Gobolka Shabeellada Hoose oo ah midka ugu barwaaqada badan Soomaaliya waxaa haatan ka jirta nabadgalyo buuxda tan iyo markii ay Xarrakatul Shabaab la gacanta ku dhigtay, waxaana soo dhaweynaynaa cid walba oo maalgeshi ku sameynaysa aseendooyinkii waaweynaa ee ay lahayd dowladii Maxamed Siyaad Barre oo haatan ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaab," ayuu yiri Sheekh Max'ed Abuu-Cabdalla.
Sidoo kale waaligu wuxuu sheegay inay ka xun yihiin gacansatada Soomaaliyeed ee maalin walba lagu dhibaataynayo dalka Koonfur Afrika isla markaana naftooda iyo hantidooda ay banaysteen burcad Afrikaanka ah, iyadoo aysan jirin cid xil iska saartay inay wax ka qabato arrintaas.
"Ma aha inaad maalin walba hantidiina iyo naftiina halis ku gelisaan Koonfur Afrika oo ay burcaddu idin dilaan xoolihiinnana boobaan, dhulkiinu waa nabad waxaana dhex ceegaaga nimcada Allaah uu idin kugu deeqay, waana inaad taas ka faa'iideysataan oo dhulkiina aad maal-gashataan," ayuu yiri Waaliga Shabeellada hoose.
Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla wuxuu kaloo sheegay inay dib u soo celiyaan dhammaan beerihii laga dhacay dadka masaakiinta ah ee aan hubaysneyn, sidoo kalena ay qodeen kanaallo waaweyn oo duugmay sida kanaallka "Asayle" oo 18-km ah, kaasoo biyaha wabiga gaarsiiya dhowr kun oo hektar oo beero ah.
Guddoomiyaha Xarrakatul Shabaab ee gobolka Shabeellada hoose ayaa saxaafadda kusoo dhex-wareejiyay beero aad u waawayn oo ay ka baxayeen Moos, Qumbe, Cambe, Galleey iyo Liin-dhanaan, isagoo dadka ku nool dalalka reer galbeedka ku dhiirrigeliyay inay hantidooda uga faa’iideystaan sidii ay u maal-gashan lahaayeen dhulka barwaaqada ah ee Shabeellada Hoose maadaama ay hadda ka jirto nabad la isku halleyn karo.
"Nimcada uu Allaah (SW) ku galladaystay gobolkan ma ahan wax lasoo koobi karo, waad arkaysaan beerada sida ay u qurux badan yihiin, waxaa mara xeeb dheer oo uu dhex-ceegaago kalluunkii, webiyadii ayaa dur-duraya oo biyihii hore iyo gadaal u kala wada, inkastoo hadda lagu jiro xilli abaar ah oo biyihu yar yihiin, marka dadka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta waxaan leeyahay yaysan idin dhaafin fursadda qiimaha badan ee ka jirta dhulkiina," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Abuu-Cabdalla.
Ugu dambayn, waaliga Shabeellada Hoose ee Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in dad fara badan oo kasoo laabtay wadamada reer galbeedka sida: Ingiriiska iyo Maraykanka ay beero waaweyn ka samaysteen degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka, iyadoo ay qaarkoodna reerahoodii dib ugu soo celiyeen Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellada Hoose.
Baaqan kasoo baxay hoggaanka ugu sareeya wilaayada Shabeellada Hoose ayaa kusoo aadaya xilli gobolkaas uu ka mid yahay gobollada ugu nabad-gelyada iyo xasilloonida badan dalka Soomaaliya, dadka halkaas ku dhaqanna ay u jeesteen sidii ay xoogga u saari lahaayeen wax-soo-saarka beeraha oo uu gobolkaasi caan ku yahay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya