1/1/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2011
Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo tababar u soo gabagabeeyay nabad-doonnada gobollda Bay iyo Bakool


Talaado, June 28, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa shalay ugu soo gabgabeeyay tababar deegaanka Daynuunaay oo ka tirsan degmada Baydhabo 70 nabaddoon oo ka kala yimid degmooyinka ay ka kooban yihiin gobollada Bay iyo Bakool.

Tababarkan oo ahaa mid diini ah ayaa socday 36-maalmood, ayay nabaddoonnada ku qaateen casharro diini oo ah ku saabsan maamulka iyo jihaadka, waxaana u soo xiray tababarka mas'uuliyiin ay ka mid yihiin Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) iyo afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere).

Xafladda xiritaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa culimaa’uddiin, ganacsato, abwaanno iyo masuuliyiin sar-sare oo ka socday gobollada Bay iyo Bakool, waxaana hadallo guubaabo ah kasoo jeediyay halkaas mas'uuliyiintii ka tirsanaa Xarrakada Al-shabaab.

Waaliga gobollada Bay iyo Bakool Sheekh Mahad Cumar C/kariim oo ugu horreyn ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay nabaddoonnada tababarka ama dowrada diiniga ka qayb-qaadanayay kuwaasoo uu sheegay inay muddo bil ka badan Alle dartiis u jilib-xirnaayeen oo danahoodii ay uga soo tageen si ay u faa’iideystaan.


Afhayeenka Xarrakada Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo isna goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay dadka gobollada Bay iyo Bakool ku nool sida ay isku garab-taageen Mujaahidiinta Al-shabaab, oo uu sheegay inay u taagan yihiin sidii ay uga difaaci lahaayeen dadka muslimiinta ah cadowga.

Sidoo kale, Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ku boorriyay nabaddoonnada inay Xarrakada Al-shabaab gacan ku siiyaan dagaalka ay ku jiraan, wuxuuna ugu baaqay inay horay u sii socdaan oo aanay dib u laaban.

Qaar ka mid ah nabaddoonnadii dhamerystay dowrada diiniga ah oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa u mahad-celiyay maamulka islaamiga ah ee gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo sheegay inay xil iska saareen kor u qaadida aqoonta ay nabaddoonadu u leeyihiin diinta Islaamka, waxayna ka codsadeen maamulka inuu sidan oo kale u soo agaasimo tababarro noocan oo kale ah.

Nabaddoonnada ayaa sidoo kale sheegay inay tababarka ku qaateen duruus qiimo badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin: caqiidada, towxiidka, siirada, tajwiidka Qur’aanka iyo tababar dhinaca ciidanka ah oo ay ku barteen sida hubka loo isticmaalo.

Dhammaan dadkii kasoo qayb-galay munaasabadda ayaa si weyn u soo dhaweeyay dowrada diiniga ah ee lasoo gaba-gabeeyay nabaddoonnada Bay & Bakool iyagoo sheegay in arrintan ay horseed u noqon doonto inuu xoogeysto xiriirka u dhexeeya qabaa’ilka ay matalaan nabadoonnadaas iyo Xarrakada, sidaasna lagu xoojiyo nabad-galyada iyo walaaltinimada ay ku naaloonayaan dadka ku dhaqan Bay iyo Bakool.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya