Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB oo isku maan-dhaafay soo-dhawaynta madaxweynihii hore ee Somaliland
Isniin, 20 June 2011 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay muddo sanad ah ka dib markii uu ku maqnaa dalka Faransiiska, waxaana soo dhawayntiisa ka soo baxday eedayn iyo is-difaac dhex maray Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda Axmed Siilaanyo.
Soo-dhawayntii Daahir Rayaale:
Daahir Rayaale oo ay wehelisay ooridiisa Marwo Hudda Barkhad Aadan waxa uu ka soo degay dhabada diyaaraha ee magaalada Hargeysa, waxa halkaasi ku qaabilay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubnihii Golaha Wasiirrada ee xukuumadiisii, Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo marti-sharaf kale. Soo-dhawaynta Daahir Rayaale oo ay ka qayb-galeen dadweyne aad u tiro badan, ayaa mar uu Warbaahinta la hadlayay waxa uu yidhi, “Waxaan u hambalyaynayaa shacbiga Somaliland ee I soo dhaweeyay, waxaan u mahad-naqayaa qof kasta oo ka qeyb qaatay, aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan dalkaygii ku soo noqdo. Waxaan leeyahay masuul kasta oo xil qaadaa sidii sharafta lahayd ee aan u wareejiyay ha u wareejiyo.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan waraysanayaa ragaygii (Xisbigaygii) markaan waraysto, mana doonayo inaan wax ku dhex dhaco oo aan si khaldan uga hadlo sadex illaa afar cisho ka dib ayaan shir jaraa’id qabanayaa Saxaafaddu ha ii kaadiso. Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay wadajirka iyo midnimadooda ilaashadaan.”
Eedayntii UDUB iyo jawaabta xukuumadda:
Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee UDUB, ayaa xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku eedeeyay in ay dadweynihii soo-dhawaynayay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo masuuliyiin ka mid ah xisbigaas ay u diidday inay galaan Madaarka. Isla markaana, laga hor-istaagay inay soo-dhawaynta ka qayb-galaan.
Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyay eedayntaas, “Eedda xisbiga UDUB nagu eedeeyeen inaanu u diidnay inay galaan qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa waa mid waxba kama jiraan ah oo been ah. Xaqiiqadu waxay tahay, waxaanu isku qabanay masuuliyiinta UDUB wax cad ayay ahayd Daahir Rayaale Kaahin, waa Madaxweynihii hore ee Somaliland waana gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ee UDUB maamuus qaran ayuu nagu leeyahay milgihiisana waanu garanaynaa,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu sheegay in ay masuuliyiinta UDUB u ogolaadeen inay galaan Madaarka, laakiin cidda ay u diideen ay ahayd dadweyne aad u tiro badan oo doonayay inay galaan.
Gebo-gebo:
Guddoomiyaha UDUB waxa looga fadhiyaa inuu qabto shirweynihii xisbiga, isla markaana uu magacaabo Golihii dhexe ee xisbiga oo shirweynihii 2009-kii ay yeesheen ay ku go’aamiyeen inuu Guddoomiyuhu soo magacaabo xubnaha Golaha dhexe.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland