Beledweyn University oo soo bandhigtay ardey mudo labo sano ah soo baratay kuliyada dhaqaalaha iyo maamulka
Sabti, 2, July, 2011 (HOL): Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen maamulayaasha Jaamacadaha iyo Dugiyada ka dhisan magaalada, mas’uuliyiinta shirkada, Aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay gudaha xarunta Jaamacada Beledweyn University.
Munaasabada oo aheyd mid lagu soo bandhigay heerka aqoonta Ardey muddo labo sano ah soo waday barashada maadada Dhaqaallaha iyo Maamulka ayaa hadallo ka soo jeediyay qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha oo wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta Jaamacado ka guran goballka ay soo bandhigayaan Ardey wax ku bartay, iyadoo markii hore Ardeyda soo dhameysata dugsiyada sare ee goballka Hiiraan waxbarasho u doonan jiraan goballada kale sida Banaadir iyo W/qooyi Galbeed.
Max’ed Muuse Max’ed oo ah ku-xigeenka maamulka Jaamacada Beledweyn University ayaa ka hadal marxaladihii kala duwanaa oo ay soo martay Jaamacada oo sida uu sheegay ku soo shaqeysay daruufo adag iyo waliba marxalado hadba is bad-badalayay, isaga oo intaa ku darray in maanta dadaal dheer kadib goob joog loo yahay halka ay wax marayaan.
Intii ay munaasabadu soctay ayaa waxaa ay Ardeydu halkaa ku soo bandhigeen Daraasad ku saleysan hab-ka ganacsiga, iyo waliba xiriirka u dhaxeeya ganacsadaha iyo macaamiishiisa, taasoo runtii ay aad ula dhaceen dhinacyadii ka soo qeyb-galay munaasabada oo sheegay in ay ka faa’ideysan doonaan cilmiga loo soo bandhigay.
Jaamacada Beledwey University ayaa la furay sanadkii 2009-ka xiligaa oo lagu bilaabay kuliyadaha Waxbarashada, Shareecada Islaam-ka, iyo Dhaqaallaha iyo Maamulka, waxaana hadda Jaamacada lagu kordhiyay Kuliyada IT-da, waxaana 15-ka Ardey ee maalintii shalay soo bandhigay waxbarashada mudada Labada sano ah ay soo wadeen ka mid yihiin dufcadihii ugu horeeyay ee Jaamacada lagu furay.
Magaalada Beleweyne ee xarunta u ah goballka Hiiraan ayaa hadda u muuqada mid ka sii baxeysa baahidii dhinaca Jaamacada, waxaana magaalada ka dhisan ilaa sadax Jaamacadood oo kala ah Beledweyn University, Hiiraan University, iyo Plasma University oo dhamaatood ay ka wax bartaan Ardeyda soo dhameysta dusiyada sare ee magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beleweyne, Soomaaliya.