10/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 19, 2011
Madaxweyaha Soomaaliya oo booqday xerada barakacayaasha ee Badbaado iyo Xaafado ka tirsan Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)



Talaado, July 19, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Mudane Sharif Shiikh Axmed ayaa maanta wuxuu booqsho ku tagay xerada qaxootiga ee Badbaado iyo xaafado ka tirsan caasimadda magaalada Muqdisho.

Xeradda cusub ee Badbaado ayaa waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha gudiga abaaraha, halkaasoo ay ku wareejiyeen adeeg deg-deg ahaa oo ay ubaahnayeen dadka kasoo barakacay abaaraha iyo Al-Shabaab/Al-Qaacida.



Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa kadib waxaa uu halkaas kula hadlay uguna duceeyay barakacayaasha Soomaaliyeed, una sheegay in laga bixi doono dhibka insha, Allah.

Madaxweynaha ayaa waxaa kale uu booqday xaafada Madiina iyo gooba ganacsi, halkaas oo ay isugu soo baxeen shacab aad u fara-badan oo usacbinayay Madaxweynaha, ayaa ku dhawaaqayay"Madaxweyne soo Dhawoow".

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa mid-mid u gacanqaaday shacabkii faraha badnaay oo halkaas isugu soo baxay si ay ugu soo dhaweeyaan Madaxweynaha.




Malik Abdalla
Madaxa Isgaarsiinta ee xafiiska
Madaxweynaha
Muqdisho, Soomaaliya