4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Yaa badiyay Kooxihii afartii kooxood ee galabta wada ciyaaray? (SAWIRRO)


Sabti, 17 July 2011(HOL): Waxaa  si habsami leh uga socda Garoonka Spånga IP ee Magaalada Stockholm Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta xagaaga ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI.

 

Tartankan oo soo bilowday 8-dii bishan July ayaa wuxuu socon doonaa ilaa 24ka bishan, waxaana ka qeybgelaya 13 kooxood oo ka kala socda dalal Yurub ah iyo Wadanka Australia, inkastoo ay tartankan ka baaqsatay koox ka socotay dalka Holland.

 

Kooxaha tartanka ka qeybgelaya ayaa waxay ka kala socdaan dalalka Britain, Sweden, Australia, Denmark, Norway iyo Finland, waxayna tiradooda kala tahay sidan:

Kooxda Ilamos (UK)

Kooxda Wadani (Denmark)

 

Galabta oo ay ciyaaraha meel xasaasi ah marayeen ayaa waxaa wada ciyaaray Kooxo ka kala socday dalalka UK iyo Denmark oo afar kooxood ahaa. Ciyaartii koowaad oo aad u adkeyd ayaa waxay dhexmartay kooxaha Ilamos oo UK ka socotay iyo Wadani oo Denmark ka socotay, waxayna ciyaartii ku soo idlaatay 4-0 oo ay ku adkaatay Kooxda Wadani Denmark. Waxaa xusid mudneyd in ciyaartii oo aan weli dhammaan, isla markaana 4-0 mareysa ay fowdo sameeyeen kooxdii ka socotay UK, sidaasna uu ciyaarta ku so oaf-jaray garsoorihii.
 

Ciyaartii labaad ayaa waxa dhexmartay Kooxaha Horseed UK iyo Olympic Amaga oo Denmark ka socotay, waxayna 90-kii daqiiqo ku soo gebagebowady 5-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Olympic Amaga.

Kooxda Horseed (UK)

Kooxda Olympic Amaga (Denmark)







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]