4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo ka digay in shirka wadatashiga lagu qabto meel aan Muqdsiho ahayn

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Xidlhiabanno ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay in shirka wadatashiga ah lagu qabto meel aan Muqdisho ahayn, iyagoo sheegay in haddii ay taasi dhacdo aysna kasoo bixi doonin go'aanno ay Soomaalidu isku raacsan tahay.

Mudanayaashan ayaa sheegay inay maqneen in kulanka wadatashiga ah lagu qaban doono meel aan Muqdisho ahayn, waxayna madaxda DKMG ah ugu baaqeen inay ka fiirsadaan go'aankaas.

"Waxaan maqalnay in kulanka wadatashiga ah ee maamullada Soomaaliya iyo DKMG ah ay ka qaybgalayaan lagu qabanayo magaalada Garoowe, waana taas midda aan ka digayno," ayay xildhibaannadan ku sheegeen bayaan ay kulankooda kasoo saareen.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in kulankaas ay tahay in lagu qabto Muqdisho haddii la doonayo inay kasoo baxaan talooyin Soomaalidu u dhan tahay, waxayna sidoo kale ay sheegeen in haddii caasimadda laga wareejiyo shirka ay noqonayso in la liiday jirtaankeeda.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn halka lagu qabanayo iyo waqtiga la qabanayo shirka wadatashiga ah, ayaa haddana waxaa dhawaan uu madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu sheegay in shirku uu ka dhacayo Garoowe.

Hadalka xildhibaannadan kasoo baxay, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dorraad ay sidoo kale digniin noocan oo kale ah ay soo saareen golaha odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya