3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 16, 2011
Xisbiga Horumarka iyo Nabadda Soomaaliya oo ka hadlay abaaraha baaqyana u diray DKMG ah iyo Al-shabaab

Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed uu maanta soo saaray xisbiga PDP oo ah xisbi nabadeed oo ka jira Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin ku saabsan abaaraha dalka jira, isagoo baaqyo u diray dowladda KMG ah, Xarrakada Al-shabab iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Baaqa uu soo saaray xisbigan, ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan abaarihii ugu khartarsaa oo soo mara sannado fog, waxaana xisbiga PDP uu intaas ku daray in sidoo kale ay dalka jiraan dhibaatooyin isugu jira, burbur dowladnimo oo keenay faqri iyo amni-darro.

Xisbigu, wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u kaalmeeyeen barakacayaasha makrii ay soo gaareen Muqdisho, isagoo u soo jeediyay Soomaalida qubo-joogta ah inay gacan ka geystaan sidii ay u taageeri lahaayeen walaalahooda ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

"Waxaan qubo-joogta u soo jeedinaynaa inay gacan ka geystaan sidii ay uga taageeri lahaayeen walaalahooda dhibaateysan adeegyada bulshada, sida waxbarashada, caafimaadka, dhisidda masaajidda, ayna xil iska saaraan sidii lagu badbaadin lahaa walaalhood," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xisbiga horumarka iyo nabadda ee PDP.

Sidoo kale, xisbigu wuxuu soo dhaweeyay dadaallada ay DKMG ah ugu jirto sidii ay u gargaari lahayd shacabkeeda, balse waxay sheegeen inay dowladda u soo jeedin lahaayeen inay hoos u eegto mas'uuliyadda saaran, gaar ahaan dhinaca ammaanka si ay uga hortagaan kuwa doonaya inay ka faa'iideystaan barakacayaasha.

"Waa arin xanuun badan oo laga xumaado in xuquuqda barakacayaasha lagu xad-gudbo, isla markaana laga boobo gargarkii la-siin lahaa ama kii la-siiyay, sida tii ka dhacday 13-kii July, 2011, xarunta ururka midowga ardayda Soomaaliyeed oo qaar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ay ku boobeen gargaar loo qaybinayay dad tabaalleysan. Waa arrin damiirku aanu oggolaan karin dowladdana wali laga dhowrayo wixii tallaabo ah oo ay arrinkaas ka qaadan lahayd," ayaa lagu yiri warbixinta.

Ugu dambeyn, xisbigu wuxuu soo dhaweeyay baaqii ay Xarrakada Al-shabaab soo saareen dhawaan, kaaso ahaa inay ogol yihiin in la gargaaro shacabka ay abaartu ku dhufatay ee ku sugan gobollada dalka.

"Waxaan u soo jeedinaynaa Al-shabaab inay ka ilaaliyaan barakacayaasha kuwa ku xadgubaya xuquuqdooda, sidoo kalena inay war iyo wacaal ka bixiyaan samo-falayaal lagu la’ yahay dhulka ay ka taliyaan si loo soo celiyo kalsoonida dadka ka shaqeeyo samafalka," ayaa lagu yiri baaqa xisbiga PDP.

Beesha caalamka ayay dhanka kale ka dalbadeen inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay inaan la siyaasadeyn gargaarka bani'aadamnimo sidoo kalena aan shuruud lagu xirin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
7/16/2011 10:27 PM EST
Axad, 17 July 2011(HOL): Soomaalida ku dhaqan magaalada Borlänge oo lagu qiyaaso ku dhawaad 2000 oo qofood ayaa waxay u guntadeen in ay la jaan-qaadaan dhaqdhaqaaqyada bulshadeed ee ka jira dalka Sweden magaalooyinkiisa waa weyn, waxaaney hadda dad magaalada waxbarasho dhinaca theory-ga ah oo ku saabsan sharciyada lagu kaxeeyo gaadiidka.

7/16/2011 9:43 PM EST
Sabti, 17 July 2011(HOL): Waxaa si habsami leh uga socda Garoonka Spånga IP ee Magaalada Stockholm Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta xagaaga ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI.

7/16/2011 9:16 PM EST
Axad, 17 July 2011(HOL): Xafladdan lagu soo dhaweynayay madaxweynaha maamul goboleedka Udubland Dr. Ibraahim C/llaahi Caddow ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee xarunta ah Dalka Sweden.

7/16/2011 8:37 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac ayaa sheegay in burcadbadeedda Soomaaliyeed ay ka afduubeen meel ku dhow dekedda magaalada Boosaaso dooni ay sidday xoolo nool.

7/16/2011 8:33 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Xidlhiabanno ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ka digay in shirka wadatashiga ah lagu qabto meel aan Muqdisho ahayn, iyagoo sheegay in haddii ay taasi dhacdo aysna kasoo bixi doonin go'aanno ay Soomaalidu isku raacsan tahay.

7/16/2011 7:44 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Hay'adda Midowga Dhalinyarada Soomaaliyed UYS ayaa maanta Magaalada Muqdisho ugu qabatay ilaa 200-haween ka socday qeybaha bulshada, kaasoo diirada lagu saarayay sida bulshada naafeysay dagaalada ilaa heer degmo dib u dejin loogu sameyn karo.

7/16/2011 7:08 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Qoysas cusub oo barakacayaal oo ka yimid qeybo katirsan gobollada Dalka soomaaliya oo ay ka jiraan abaaro aad u daran ayaa waxa ay mudooyinkan danbe kusoo qulqulayaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

7/16/2011 7:07 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Jamciyadda gargaarka ee Sayib oo ka mid ah hay'daha maxalliga ah ee ka howgala gudaha Soomaaliya ayaa baco u qaybisay barakcayaal abaaraha uga soo hayaamay deegaannadoodii oo soo gaaray Muqdisho.

7/16/2011 3:41 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Dowladda Britain ayaa sheegtay inay gargaar u fidinayso qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, kuwaasoo ka cararay abaaraha iyo colaadaha ka taagan dalka Soomaaliya.

7/16/2011 3:14 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan barakacayaasha ku sugan degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Banaadir.

7/16/2011 3:10 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Ugu yaraan laba cunug ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacmay bam gacmeed ay ku ciyaaraiyeen, taasoo kula qaraxday deegaan laba kiiloo-mitir ka baxsan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

7/16/2011 3:05 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Xoogag la rumeysan yahay in Xarrakada Al-shabaab ay taabacsan yihiin ayaa ku gubay shalay Jimco ahayd gallinkii dambe deegaan u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo gaari ay dawo ku rarnayd oo la sheegay in loogu talogalay dadka abaaruhu saameynta ku yeesheen ee ku sugan gobolkaas.

7/16/2011 2:40 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine P. Mahiga, ayaa ugu hambalyeeyay madaxda siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan sida ay u muujiyeen inay ka go’antahay meel-marinta nabadda iyagoo hirgelinaya heshiiskii Kampala iyo sida dhakhsaha leh ee ay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliyeed u ansaxiyeen heshiiskaas.

7/16/2011 2:39 AM EST
Sabti, July 16, 2011 (HOL) – Maamulka Xarakada Al shabbab ee gobbalada jubbooyinka ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay maamulkii horay oga dhisnaa degmada Salagle ee gobbalka jubbada dhexe, waxaana ay arintani ay ka dambaysay kadib markii maalmahaan dambe Saraakiil ka tirsan Xarakada Al shabbab ay booqosho indha-indhayn ah ay ku sameenayeen maamulada ka dhisan degooyinka gobbalka jubbda dhexe ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabbab.